Guddoomiye Ku Xigeenka Amniga Maamulka Gobalka Banaadir Oo Isku Day Dil Ka Bad Baaday.

Cali Yare Cali oo ah Guddoomiye ku xigeenka Amniga maamulka gobalka Banaadir ayaa si dirqi ah kaga bad baaday qarax lala eegtay kolonyo uu isaga la socday.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku naf waayay 5 askari oo kamid aheyd ilaalada Cali Yare, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Intaasi kadib ciidamadii la socotay kolonyada uu qaraxu haleelay ayaa si indho la’aan ah rasaas u furay, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad rayid ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.