Hawlgal Gaar Ah Iyo Dagaal Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Xamar.
Ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay Muqdisho ka fuliyay hawlgal gaar ah iyo weerar ay ku qaadeen fariisin ay ciidanka DF leeyihiin.
Iyagoo aad u hubeysan ayaa waxay dagaal ku ekeeyeen fariisin ay ciidanka DF ku leeyihiin degmada Dayniile, gaar ahaan halka loo yaqaano Dalcadda Fara-gaab.
Dad degaan ah ayaa sheegaya iney maqlayeen hubkii la isku adeegsanayay iyo takbiirta ciidanka Xarakada Al-Shabaab, waxaan illaa iyo hadda la ogeyn inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Sidoo kale ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa hawlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen Muqdisho ku khaarajiyay askari ka tirsan ciidanka DF. Askariga ayaa la xaqiijiyay inuu kamid ahaa kuwa Turkida daacadda u ah ee Gorgor waxaana lagu magacaabi jiray Faarax.
Shalay ayay ahayd markii ay dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab suuqa Bakaaraha ku dileen 3 ka tirsan sirdoonka dharcadda loo yaqaano ee DF kana qaateen 2 bastooladood oo ay wateen.