In Ka Badan 600 oo Toogashooyin Ah oo Sannadkan Ka Dhacay Mareykanka.
Dalka Mareykanka ayaa kaalimaha hore uga jira dhacdooyinka dilalka ah taasoo ka dhigan in wadanka ay ka jirto amni darro tii ugu xumeyd maadaama uu mar walbo muwaadinku filan karo in la dilo.
Tan iyo bishii November ee sannadkan waxaa dalkaas lagu dilay 26 qof halka lagu dhaawacay dad intaasi ka badan. Sidoo kale weerar lagu qaaday Sabtidii goob lagu caweeyo oo ay leeyihiin kuwa ku caan baxay ficikii lagu halaagay qomuluud ayaa lagu dilay 5 qof iyadoo lagu dhaawacay 18 kale.
Laga billaabo maanta oo Isniin ah oo ah maalinka 325-aad ee sannadka waxay toogashada ka dhacday dalka Mareykanka mareysaa 601 qof sida lagu sheegay tirakoob la sameeyay.
Weerarada ka dhacay Mareykanka ayaa isugu jira kuwa dil wadareedyo ah oo lagu beegsaday iskuullo iyo goobo lagu caweeyo iyo qaar shaqsiyaad lagu beegsaday.