Kenya & Imaaraatka oo Kamid Noqday Dalalka Codeeyay Cunaqabateynta Hubka Ee DF.
Kadib kalfadhi ay isugu yimaadeen dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay mar kale ku cusbooneysiiyeen cunaqabateyntii hubka ee saarnayd Soomaaliya.
Dlalkan ayaa isku raacay in muddo sannad ah ay cunaqabateynta sii saarnaato DF iyadoo markaasi kadibna dib u eegis lagu sameyn doono.
Dalalka codeeyay in cunaqabateynta hubka lagu sii hayo DF waxaa kaalimaha hore uga jira Kenya iyo Imaaraatka Carabta oo uu Xassan Sheekh ku tilmaamayay iney yihiin dalal walaalo iyo saaxiibo ah.
Falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan in arrintan ay dhabar jab weyn ku tahay DF islamarkaana muujineyso ineysan saaxiibo dhab ah ku lahayn caalamka.
“Cunaqabateyntaan gacamaha ayay naga xiraysaa maadaama lagu jiro xilligii ugu adkaa ee aan dagaalka kula jirno Al-shabaab” waxaa sidaas yiri Abuukar Cusmaan oo ah wakiilka DF u fadhiya Qaramada Midoobay.
DF ayaa marar badan kaalimaha hore ka gashay musuq adduunka waana dowlad aan xataa loo oggoleyn iney si xor ah hub uga soo iibsato caalamka, maxaa yeelay waxaa laga baqayaa in hubkaas uu gacanta u galo ummadda Soomaaliyeed maadaama ay daris la yihiin dalal KIristan ah.