KHASAARAHA DAGAAL KA DHACAY DULEEDKA TARDO OO KORDHAY.
Ugu yaraan 10 xubnood ayaa naloo xaqiijiayay in lagu dilay Dagaal ka dhacay koofur bari ee gobalka hiiraan halkaasoo shalay glaab la isku fara saaray.
Xog laga helayo Deegaanka Tardo ee Gobalka Hiiraan oo ay soohdin leeyihiin Gobalka Shbaeelaha dhexe ayaa sheegeysa in uu kordhay Khasaaraha dhimashada Dagaal Shalay ka dhacay Duleedka Degaankaas iyadoo Sarkaal dhaawac ahaa xalay dhintay halka horayna maleeshiyo ay saaxiibo ahaayeen u qur baxeen.
Dhimashada ayaa iminka gaadhay 10 ka mid ahaa Mooryaanta macawisleyda loo yaqaan ee ka mid ah Ciidanka Dowladda federaalka ah welow ay suura gal tahay in khsaaruhu intaa ka badan yahay.
Ugu yaraantii 7 ka mid ah ayaa mawisleyda ayaa warara horu dhaca ah sheegayeen in ay ku dhinteen dagaalkii shalay galab oo ahaa mid mudda socday laakiin tirade ayaa korortay waxay iminka mareysaa ilaa 10 dhimasho ah kuwaasoo uu ku jiro sarkaal la yiraahdo Cismaan Goodax Shillaabo,
Cismaan Goodax Shilaabo ayaa markii hore dhaawac ahaan lagu qaaday laakiin aakhirkii ayuu geeriyooday maadaama xaalkiisu ahaa mid culus.
Dagaalka ayaa bilowday markii ay kulmeen Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo socda iyo Mooryaantaan ka tirsan Dowladda federaalka ah Maraykankana xariirka la leh oo iyaguna socda.
Maalmahaanba Jewi colaadeed ayaa ka jiray Degaanka Tardo iyo kuwa ay ood wadaagta yihiin .
Horay Hiiraan waxaa uga dhacay Dagaalo xoog leh waxaana iminka niyad jab laga dareemayaa Mooryaanta Macaisleyda maadaama ay gobalka meelo badan oo ka mdi ah ka baxeen Ciidamada Dowladda federaalka ah oo lafhaooda la cararay iyo kuwii Maraykanka u daacadda ahaa ee shirikadda Baan karaaf ama danab loo yaqaan.