Xassan Sheekh oo Madaxa U Raariciyay Wadaad Suufi Ah.

Xassan Sheekh Maxamuud oo ay Soomaali inteeda badan ku dhalleeceysay inuu u rukuucay meydadkii ciidankii Kenya ee lagu laayay Ceelcadde iyo meydkii boqoraddii Ingiriiska ayaa haatan madaxa u raariciyay wadaad Suufi ah.

Isagoo ku sugan degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud oo dhawaanahanba ay dagaallo ka dhacayeen ayaa ma qura la arkay isagoo isku dulleynaya wadaado Suufiyo ah oo aaminsan in qabuuraha la baryo.

Dadka ka aragtida dhiibtay sawirka ayaa sheegaya in Xassan uu caabudayo dad iyaguba addoomo kale sii caabuda, Xassan Sheekh ayaa caan ku ah dhaqankan oo lagu yaqaano dadka Kiristanka ah lamana oga meel uu kasoo bartay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.