19 Ka Tirsan Ciidanka DF oo Lagu Dilay Dagaal Maanta Ka Dhacay Sh/dhexe.

Ciidamada DF ayaa khasaare kala kulmaya dagaalada Sh/dhexe...

Askar ka tirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa DF ayaa maanta ku dagaalamay tuulo u dhow degaanka Al-kowthar ee wilaayada Sh/dhexe kaasoo sababay khasaare lixaad leh.

Halka lagu dagaalamay oo lagu magacaabo Daarucicma ayaa waxaa lagu helay ciidamada Mareykanku tababaray ee Bancorft, inta la xaqiijiyay waxaa laga dilay 19 askari halka laga dhaawacay 13 kale.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in 19-ka la dilay iyo 13-ka la dhaawacay ay ku jiraan saraakiil ciidan, waxaana khasaarahaasi u dheer DF in laga gubay laba gaari oo nooca Cabdibilaha ah.

Qof degaan ah oo codsaday inaan magaciisa iyo codkiisaba la baahin sababo la xariirta ammaankiisa ayaa inoo sheegay inuu indhihiisa ku arkay labada gaari ee gubatay iyo meydad ay daabulanayeen ciidamada Bancoraft.

Ciidamada DF ayaa khasaare kala kulmaya dagaalada Sh/dhexe iyadoo xaaladdu mareyso heer ay DF qarin weyso soona bandhigto xaqiiqda hoose si ay ugu beerlxawsato reer galbeedka.

Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo katirsan saraakiisha ciidamada DF iyo malleyshiyaadkii ka dagaalamayay duleedyada Balcad iyo degaanada u dhow Cadale ayaa sheegay in boqolaal askari looga dilay qaraxyo iyo weeraro toos ah.

Wuxuu xaqiijiyay in duleedka degmada Balcad oo kaliya looga dilay inkabadan 700 oo askari, hadalkan ayaa fadeexad ku noqonaya warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa taageera DF oo mar walba sheegayay in aan ciidan laga dilin DF.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.