6 Ruux Oo Ku Dhintay Toogasho ka Dhacday Magaalada Toronto ee dalka Canada.

Ugu yaraan 6 ruux oo uu jiro fulihii weerarka ayaa ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacay toogasho ka dhacday xaafad ka tirsan magaalada Toronto ee dalka Canada.

Taliyaha booliska degmada York, James McSwain ayaa sheegay in ruux hubeysan uu toogasho ka geysatay dhisme la degan yahay oo ku yaalla magalada Toronto ee gobolka Ontario.

Wuxuu intaasi ku daray in askari ka tirsan ciidanka ammaanka uu toogtay fuliyihii weerarka, taas oo 6 ruux ka dhigaysa dadka halkaas ku nafwaayay.

Waaxda Baarista Gaarka ah ee gobolka Ontario ayaa sheegray in ay bilawday baaritaano lagu ogaanyo waxa sababay toogashdan khasaaraha geysatay.

Bishii September ee la soo dhaafay ayay aheyd markii toogasho ka dhacday bartamaha dalka Canada lagu dilay ugu yaraan 11 qof halka lagu dhaawacay 18 kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.