AL-SHABAAB OO DIB ULA WAREEGAY DEGAAN KA TIRSAN SH DHEXE.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay dib ula wareegay degaan ka tirsan wilaayada Sh/dhexe oo ay ku sugnaayeen ciidamada DF.

Kadib dagaal xooggan oo dhex maray labada geesood, waxaa ciidanka Al-Shabaab u suura gashay iney la wareegaan degaanka A-furqaan oo u dhaxeeya Guulane iyo Masaajid Cali Gaduud.

Ciidamada DF ayaa lagu kadiyay weerar toos ah iyo qaraxyo in yar oo ay dagaalameen kadina goobta ayay isgaa carareen sida ay inoo xaqiijiyeen ilo degaan ah iyagoo horey usoo qaatay meydad iyo dhaawacyo.

Arrintan ayaana imaneysa iyadoo shalay labo ka tirsan askarta DF ay ku dhinteen qarax lagula beegsaday gudaga degmada Aadan Yabaal ee wilaayada Sh/dhexe, khasaare badan ayaa ciidamada DF kasoo gaaray dagaalada bilihii ugu dambeeyay dhacayay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.