Al-Shabaab oo Dilay Taliyihii NISA Ee Gedo (Warsaxaafadeed)

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay iney muddo badan doon-dooneysay Bakaal, Taliyihii sirdoonka ee Gedo oo cilaaqo baac dheer la lahaa Xabashida.

Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamo khaas ah oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu khaarajiyay mas’uulkii ugu sarreeyay sirdoonka gobolka Gedo iyadoo saraakiil kale oo hoos imaanayay lagu dhaawacay. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa warsaxaafadded ay soo saartay ku faahfaahisay hawlgalka lagu khaarajiyay Bakaal Kooke iyo sababta ay u beegsadeen.

“Hawlgal qorshaysan oo ay xalay ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen Wilaayada Gedo ayaa waxaa lagu khaarijiyay taliyihii ugu sareeyay sirdoonka ridada Gedo, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Bakaal kooke. Waxaa kale oo hawlgalka dhaawac halis ah uu kasoo gaaray taliyihii hore ee sirdoonka ridada degmooyinka Baladxaawo iyo Doolloow ee isla Wilaayada Gedo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa looga warramay waxa uu ka dhigan yahay dilka Bakaal: “Hawlgalka lagu beegsaday saraakiisha ugu sareysa sirdoonka ridada Gedo ayaa ka dhacay inta u dhaxayda degmooyinka Luuq iyo Doolloow xilli ay saqdii dhexe ee xalay si dhuumaalaysi ah uga bexeen degmada Luuq oo ay maalmihii lasoo dhaafay qorshayaal ashahaado la dirirnimo ah u joogeen, kuna sii jeedeen dhanka degmada Doolloow. Dhimashada Bakaal Kooke iyo dhaawaca halista ah ee Cabdullahi Kaniini ayaa dharbaaxo xooggan ku ah maamulka ridada ee Gedo, waxaana ay cadaalad u tahay boqolaal dad Muslimiin ah oo ay ku dhibaateeyeen Wilaayada Gedo kuwaas oo ay qaarkood dileen halka ay qaar kalena ay u gacan-geliyeen sirdoonada Saliibiyiinta ee wadamada Kenya iyo Itoobiya” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay iney muddo badan doon-dooneysay Bakaal: “Murtadiinta kala ah Bakaal Kooke iyo Cabdullaahi Kaniini ayaa in muddo ah waxaa ku raad-joogay ciidamada Mujaahidiinta ee Wilaayada Gedo si looga abaal-mariyo dhibaatada ay u geysteen shacabka Muslimiinta ah ee Gedo, waxaana hawgalkii xalay dhacay uu muujinayaa in saraakiisha ridada iyo mujrimiinta ashahaado la dirirka ah aysan marnaba ka baxasan karin ciqaabta Allaah, isla markaana gacanta dheer ee Mujaahidiintu ay soo qaban doonto – Insha-Allaah – ama ha dhawaato ama ha dheeraato”

HAHLKAN KA DEGSO BAYAANKA KASOO BAXAY XARAKADA OO PDF AH

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.