Sawirro: Al-Shabaab oo Hawlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Sameeyay Tarajante oo U Dhow Baladweyne.
Intii uu hawlgalku socday ciidamada ayaa waxay la kulmeen dadka deegaanka iyagoo ka waraystay xaalada amniga.
Ciidamada milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhawaan si buuxda ula wareegay degaanka Tarajante ee bariga Hiiraan.
Degaankan oo u dhow magaalada Baladweyne ayaa waxaa si buuxda ugu soo laabtay bulshadii ka barakacday mooryaanta Macawiisley iyo kuwa Hirshabelle.
Intii uu hawlgalku socday ciidamada ayaa waxay la kulmeen dadka deegaanka iyagoo ka waraystay xaalada amniga iyo sidii labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka dhinacyada duullaanka ku ah ku dhaqanka shareecada islaamka.
Dadweynaha ayaa billaabay iney maqaaxida isugu yimaadaa islamarkaana furaan xarumahooda ganacsiga. Tarajante oo qiyaastii 30km u jira magaalada Baladweyne ayaa qeyb ka ah degaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ciidamada Mujaahidiintu kala wareegeen malleyshiyada macawiisley iyo maamulka Hirsahbelle.