SAWIRRO: Al-Shabaab oo Raashin Ka Qeybiyay Degaan U Dhow Baladweyne.
Dadka Raashinka la siiyay ayaa sheegay in ay abaal uga hayaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Jamciyadda Kheyriga ah ee Al-ixsaan oo hoos tagta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa raashin u qeybisay qoysaska ku nool degaanka Samatara oo hoos taga Baladweyne.
Raashin qeybintan ayaa qeyb ka ah gurmadka abaaraha oo ay tan iyo sannadkii lasoo dhaafay Xarakadu ka wado inta badan degaanada Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.