Al-Shabaab Oo Saacadihii Lasoo Dhaafay Hawgallo Ka Fuliyay Banaadir & Sh/Hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay iyo saaka howlgallo isugu jira qaraxyo, madax jebis iyo weeraro toos ah waxay ka fuliyeen magaalooyin iyo degaanno ka tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay askarta shisheeye iyo kuwa DF.

1- Hawgal gaar ah oo ay ciidamada Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayay ku khaarijyeen sarkaal darajadiisu aheyd Gaashaanle oo ka tirsanaa ciidanka DF.

Sarkaalkaan la dilay oo la oran jiray Axmed Diiriye Cadow ayaa ahaa Taliyihii zaadka guutada 6aad ee qeybta 12aad ee millatariga DF.

2- Ugu yaraan 4 askari oo ka tirsanaa ciidanka DF ayaa lagu dilay 2 kalena waa lagu dhaawacay, halka lagu gubay gaari ciidan oo ay wateen, kadib qarax ay ciidamada Al-Shabaab xalay kula beegsadeen degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

3- Ciidamada Al-Shabaab ayaa sidoo kale xalay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada Uganda iyo saldhiga DF ay ku leeyihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qarar oo khasaare lagu gaarsiiyay shisheeyaha duulaanka ku jooga dalka iyo Saamaaliada ay shaqo wadaagta yihiin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.