Askar Kenyaan Ah Oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Shil Gaari, & Weerar Ka Dhacay Mandheera.

Gaari Kooyal oo ay wateen ciidamada Kenya, islamarkaana ku socday xawaare sare ayaa ku qallibmay qeybo kamid ah gobalka Mandheera ee dhulka NFD.

Gaarigaan ayaa waxa uu kasoo baxay degaanka Sheykh Barrow, waxa uuna u socday degmada Lafey ee gobalka Mandheera.

Ugu yaraan 1 Askari oo Keenyaan ah ayaa ku dhintay shilkaan, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale, waxaana intaa dheer bur bur xooggan oo soo gaaray gaariga.

Marar badan waxaa sidoo kale shilal u galay gawaari ay wateen ciidamada Kenya, kuwaas oo ka baqanaya Miinooyinka ay wadada ku aaseen Mujaahidiinta, taas ayaana ugu wacan iney gawaarida ku wadaan xawaare sare.

Isla gobalka Mandheera, Habeenkii xalay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisin ay askarta Kenya ku leeyihiin deegaanka Finnow oo hoostaga degmada Carabiyo ee gobalka Mandheera.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.