Boobka Uu Imaaraatku Ku Hayo Dhaqaalaha Dalka Suudaan, & Heshiis Cusub Oo Dhexmaray Khartoum & Abu Dhabi.(Warbixin)

Qaaradda Africa waa mid hodan ah oo uu allaah Allaah Subxaanahu Watacaalaa ku manneystay kheyraad kala duwan, sidaa aygeed ayay dowladaha reer galeedka iyo kuwa bariga isugu howleen iney ka faa’iideesteen waxyaabaha ay la gaar tahay qaaraddaan, iyagoona si toos ah iyo si dad banba u boobaya hantida dadka Africanka ah.

Dowladaha sheegta iney yihiin quwada caalamka ayuu Mandiqaddaani ku dhex marayaan loolan adag oo xaga dhaqaalaha iyo mellatarigaba ah, waxaana wadamada Africanka ah ay ku hoos nool yihiin guemysiga dowladaha reer galbeedka, xilli kheyraadkooda la guranayo ayay haddana la loon yihiin faqri adag.

Dalka Suudaan waxa uu kamid yahay wadamada ku yaalla qaaradda Africa, isagoona kaalmaha hore kaga jira dalalka ay ku loollamayaan awoodaha is diidan ee ka jira caalamka, maadaamaa uu dalkaan leeyahay ahmiyad xagga juqaraadiyadda ah, ayay dwoaldo badan usoo tafa xeyteen sidii ay wujuud siyaasadeed ugu yeelin lahaan halkaan.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa lagu soo waramayaa iney heshiis la gaartay xukuumadda Khartoum, kaas oo ku aaddan horumarinta iyo ka shaqeysiinta dekad uu Imaaraatku yeelanayo oo laga hirgaliyo dalka Suudaan, islamarkaana uu ku baxayo qarash badan.

Wargeyska Suudaan Tripon ee kasoo baxa dalka Suudaan ayaa baahiyay, in xukuumadda Khartoum ay heshiis la gashay sharikado laga leeyahay Imaaraatka Carabta, kaas oo ku qotomada in la horumariyo, islamarkaana laga shaqeysiiyo dekadda Abuu Umaamah ee ku teedsan Badda Cas, maalgashigaas ayaana ku baxaya adduun lacageed gaaraya 6 Bilyan oo dollar, sida laga soo xigtay wargeyskaan kasoo baxa Suudaan.

Heshiiskaan oo Imaaraatka siinaya in ay xaq u leedahay horumarinta, maamulida iyo ka la wareegista hantida dekedda Abu Umamah iyo dhaqaalaha Mnadiqadda intaba, ayaa waxa kala saxeexday dawladda Suudaan iyo xukuumadda Abu Dhabi, iyadoona sidoo kale ay goob joog ahaayeen madxda dekadaha ee dalka Suudaan, iyo sharikado maalgashi oo laga leeyahya Imaaraatka.

Ibraahim Jibriil oio ah wasiirka Maaliyadda ee Suudaan, iyo Usaama Daa’uud oo ah madaxa sharikadda laga leeyahay Imaaraatka Carabta ayaa si wada jir ah qalinka ugu duugay heshiiskaan ay wada gaareen labada dhinac, waxaa sidoo kale munaasbadda goob joog ahaa madax sar sare oo katirsan golaha mellatariga ee dalka Suudaan.

War-saxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen labada dhinac ayaa lagu sheegay, in heshiiskaan uu wax tar u leeyahay Suudaan iyo Imaaraatka, ayna si wada jir ah utaageeri doonaan sharikadaha ka shaqeysanaya mashaariicdaan lagu hirgalinayo dekadda iyo guud ahaan kuwa gobalka.

Dekaddaan cusub iyo Mandiqaddaan ganacsi ayaa waxay 200 oo KM dhanka woqooyi kaga beegan tahay  dekadda Port Suudaan, halkaas oo ay horay ay dowladda Ruushka ugu fashilantay dhisida dakad iyo Saldhig military oo ay ka rabtay wadanka Sudan, Kadib markii ay fara galin ku sameysay xukumada Washington, taas oo xaliif dhow la ah madaxda military-ga ee xooga ku qabsaday talada wadankaasi.

Dekada Port Sudan oo uu xilligaasi dalbaday Madaxweyne Putin, ayaa ah dakada ugu weyn ugu dhaqdhaqaqa badan guud ahaanba dalka oo idil, Sarakisha Inqilabka oo muda ku dhow laba sano ka laba labeynayey dalabka xukumada Moscow ayaana hada loo badinaya, inay gabi ahaanba ka bexen qorshahas, maadama ay dalabad badan ka helen wadamo ay ka mid thy Imaratka carabta.

Heshiiskaan cusub ee ay wada gaareen Imtaaratka iyo Suudan ayaa waxaa qeyb ka ah dhul beereed ku fadhiya illaa 400 oo kun oo Faddaan, taas oo laga rabo Mandiqadda Abuu Xamad ee gobalka Nahrun-Niil, iyo wado isku xirta dekadda iyo dhul beereedka oo iyadana gaareysa 450-KM.

Wasiirka Maaliyadda ee Suudaan ayaa sheegay in mashruucaan cusub oo ay ku baxeyso adduun lacageed gaaraya 6 Bilyan oo dollar uu hor seedi doono helidda Mandiqad dalxiis, garoon dowladeed, dhismayaal la dago, wadooyin Muhiim ah, iyo xarun koronto, isagoona intaa klu daray in mashruucaan uu meesha kasaari doono muskiladda abaareed ee ka taagan dekadda Port Suudaan, iyo deegaanada macdanta laga qodo, iyadoo la isku xiri doono biyaha wabiga Niil.

Heshiiska ay gaareen labada dhinac oo ah Suudaan iyo Imaaraatka ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah, in la dhiso dhuumo biyood oo maalin walba soo qaada ilaa 2,000,000 (2-milyan) oo mitir kuyuubik oo ka soo bilaabanaya webiga Niil ilaa Mandiqqadda ku teedsan Badda Cas ee laga hirgalinayo dekadda cusub.

Xukuumaddii milateriga ahayd ee xilka ka qaadday dowladdii rayidka bishii Oktoobar ee sannadkii 2021, ayaa wajaheysa cadaadis caalami ah oo ku aaddan inay xukunka ku wareejiso xukuumad rayid ah, waxa loogu yeero Beesha caalamka ayaana waxay joojisay taageeradii dhaqaale iyo mashaariicdii horumarineed ee ay siin jireen Suudaan, taas oo beylah u noqotay dowladaha caalamka.

Imaaraatka Carabta ayaa qeyb ka ah koox afar geesood ah oo uu hogaaminayo Mareykanka, kuwaas oo sheegta iney taageeraan dadaalada lagu soo afjarayo qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Suudaan ee ka dhashay afgambiga militari, Sida uu sheegay wargayskaan kasoo baxa isla dalka Suudaan, balse xaqiiqada jirta ayaa ah in Imaaraatku uu dano gaar ah ka leeyahay dalka Suudaan, si lamid ah dowladaha reer galbeedka ee ku hardamaya halkaas.

Iskusoo wada duubo, xaalka dalka Sudan waa mid qasan, dhaqale xumo baahsan ayaa ka jirto dhamanba gobolada, dibad baxyo ka dhan ah xukumada ayaa ka soconaya magaloyinka waweyn sida Khartoum, khilaf siyaasaded wuxuu ka dhex jira hoganka, dagaal hoosena wuxuu kala dhexeya dowlada ay dariska yihin ee Ethiopia, halka siyaasada iyo dhaqalaha dalkana ay ku loolamayan dowladaha waaweyn, sida Mareykanka, Ruushka, Shiinaha iyo dalal kale, sida Imaratka oo doonaya inuu la warego dekedaha wadankasi.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin boobka uu Imaaraatku ku hayo dhaqaalaha dalka Suudaan.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.