Booqashada Madaxweynaha Shiinaha Ee Sucuudiga, Iyo Xiriirka Ka Dhexeeya Mareykanka Iyo Aala-Sucuud Oo Sii Xumaanaya.(Warbixin)
Xilli uu sii xumaanayo xiriirka ka dhexeeya Maamulka Aala-Sucuud iyo dowladda Mareykanka, ayuu Arbacadii lasoo dhaafay Madaxweynaha Shiinaha booqasho rasmi ah ku tagay dalka Sucuudiga, taas oo qaadatay muddo 3 maalmood ah, wuxuuna kulamo kala duwan la yeeshay Boqorka maamulka Aala-Sucuud Salmaan Bin C/casiis, wiilkiisa dhaxal sugaha ah ee Maxamed Bin Salmaan, iyo Masuuliyiin kale oo katirsan maamulka.
Booqashadaan oo aheyd tii ugu weyneyd tan iyo wixii ka dambeeyay sannadkii 2016-ka, ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ugu horreyso shidaalka ceyriin ee laga soo saaro Mandiqadda, waxaana booqashadaan ka horreeyay heshiisyo ay wada galeen dowladaha dhaca Mandiqadda Khaliijka iyo Shiinaha, buuq iyo sawaxan badan ayaana ka dhashay arrinkaas.
Farqi weyn ayaa u dhexeeya booqashadii Joe Biden uu ku tagay boqortooyada bilo ka hor, xilligaas oo uu ku guuldareystay inuu Sacuudi Carabiya ku qanciyo inay kordhiso wax soo saarka shidaalka, safarka Madaxweynaha Shiinaha ee Sacuudi Carabiya ayaana xambaarsan farriin qarsoon oo ku socota dowladda Mareykanka.
Inkastoo xukuumadda Washington ay xalafadeeda Carbeed ee wadamada Khaliijka u direyso baaqyo is daba joog ah oo ku aaddan iney iska diidaan gaacansiga Shiinaha, ayaa taas badalkeeda waxaa sii xoogeystay horumarka ay Biijiin ka sameyneyso Mandiqadda, iyo cilaaqaadka ay la leedahay dowladaha Khaliijka, taas oo aan ku koobneen oo kaliya dhanka ganacsiga, balse xittaa ay iska kaashanayaan arrimaha amniga, sida ay baahisay Shabakadda CNN ee laga leeyahay dalka Mareykanka.
Marka loo fiiriyo Shiinaha, isku soo dhawaashaha kala dhaxeya Maamulka Aala-Sucuud ayay Biijiin u aragtaa fursad ay ku sii ballaarineyso loolanka Jiyoo Siyaasiga ah ee ay ku leedahay Mandiqadda, si gaar ah iney u baahan tahay shidaalka Sucuudiga, Maadaama ay xusid mudan tahay in Biijiin ay tahay dowladda dhoofisa shidaalka ugu badan ee caalamka, in ka badan 4 meelmood shidaalka ay dhuufiso ayaana ah kan Sucuudiga, halkaas oo laga soo saaro shidaalka ugu badan ee caalamka.
Maamulka Aala-Sucuud ayaa daneynaya inuu helo xaliif awood badan oo uu kaga kaaftoomi karo Mareykanka, taas ayaana keentay in Shiinaha uu sare u qaado joogintaankiisa Mandiqadda loogu yeero Bariga Dhexe, si gaar ahna wadamada Khaliijka, halkaas oo ay ku jiraan kayd shidaal oo cayriin ah, gaaska dabiiciga ah, suuqyo maaliyadeed oo dakhligoodu sarreeyo, iyo sidoo kale dekedo muhiim u ah saadka caalamiga ah, taas oo ay sii dheer tahay maalgashiga tignoolajiyada iyo iibinta hubka.
Marka loo fiiroyo haddalada kasoo yeerayo labada dhinac oo ah Sucuudiga iyo Shiinaha ayaad dareemeysaa in xiriirkoodu uu marayo halkii ugu sarreysay, C/casiis Bin Salmaan oo ah wasiirka Tamarta ee Maamulka Aala-Sucuud ayaa sheegaya, in xiriirka kala dhexeeya Shiinaha uu yahay mid wanaagsan, isagoo carrabka ku adkeeyay in Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay ahaan doonto saaxiibka la isku halayn karo ee Shiinaha, si gaar ah dhinaca tamarta iyo dhammaan jawaanibta kale.
Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dadaalka labada dal ee ah in la wanaajiyo iskaashiga silsiladaha sahayda ee qaybta tamarta, iyadoo gudaha Sucuudiga laga sameynayo xarun gobaleed loogu tala galay iney ku shaqeeyaan warshahada laga leeyahay Shiinaha, si ay uga faa’iideestaan dhulkaas oo u dhexeeya 3 qaaradood, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Maamulka Aala-Sucuud.
Sucuudiga kuma ekaan oo kaliya xiriirka uu la leeyahay Shiinaha, balse isagoo ka faa’iideysanaya booqashada Madaxweynaha Shiinaha ayuu sidoo kale sheegey iney sameyn doonaan heshiisyo wada jir ah oo ay dowladaha khaliijka la gali doonaan Shiinaha, waxayna farriin u dirtay dhammaan duwalka ku yaalla Mandiqadda loogu yeero bariga dhexe, iyo woqooyiga Africa, kuwaas oo lagu wargalinayo iney heshiisyo la galaan Shiinaha.
Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Sucuudiga, booqashadu waxay ka dhigan tahay fursad wadaag saaxiibtinimo iyo iskaashi istiraatiijiyadeed oo mideynaya dowladda Sacuudi Carabiya iyo Jamhuuriyadda Shiinaha, Inta lagu guda jiro labada shir madaxeed ee ay la leeyihiin madaxda Carabta, ayayna wakaaladdu tilmaamtay iney ka wadahadli doonaan, qaababka kor loogu qaadi karo xiriirka wadajirka ah ee dhammaan dhinacyadaan, iyo ka wadahadlida iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta ee ay la yeelanayaan Shiinaha.
Xukuumadda Bijiin oo dhankeeda ka hadashay arrimahaan ayaa si weyn usoo dhaweysay xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya wadamada dhaca Khaliijka Carabta, iyo qaabka ay ugu sii luga fidsaneyso Mandiqadda, War-Saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaana lagu sheegay in barnaamijka hadda socda uu ka dhigan yahay kii ugu weynaa ee xagga diblimaasiyadda, oo ay xukuumadda Bijiin la yeelato wadamada Carbeed, tan iyo markii la aasaasay Jamhuuriyadda Shuuciyadda ah ee Shiinaha.
Booqashada uu Madaxweynaha Shiinaha ku tagay Sucuudiga oo aheyd middii ugu horreysay wax badan muddo lix sano ah, ayaa kusoo beegantay xilli uu sii xumanaayo xiriirka ka dhaxeeya Riyad iyo Washington, taas oo ay sii dheer tahay qaraarkii uu Sucuudiga ku yareeyay wax soo saarkiisa Shidaalka iyo sara uqaadidda sicirka shidaalka ceyriin, go’aankaas ayaana ka careysiiyay dowladda Mareykanka, iyadoona dhammaan madaxda iyo siyaasiyiinta Ameicanka ah ay dareen cara leh kaga soo hor jeesteen arrinkaas.
John Kirby oo ah afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa isagoo ka jawaabayay su’aal ku saabsan booqashada Madaxweynaha Shiinaha ee Sucuudiga saxafiyiinta u sheegay, in Sucuudi Carabiya ay weli kamid tahay xulafada muhiimka ah ee Maraykanka, balse wuxuu soo saaray digniin ku saabsan Shiinaha, isagoona xusay iney ka warqabaan galaangalka Siyaasadeed ee ay xukuumadda Biijiin ku dooneyso iney ku yeelato caalamka.
Sida ay qabaan dadka wax indha indheeya, xasaradahan soo ifbaxaya sanadkan gudihiisa waxay sababeen kala duwanaansho wayn oo u dhaxeeysa Riyad iyo xaliifkeeda soo jireenka ah ee Washinton, waxayna tani caddayn u tahay mawqifka uu Sucuudigu ka qaatay duullaankii Putin ee Ukraine, marka laga soo tago inuu u hogaansamo dhimista wax soo saarka Shidaalka, Dhinaca kale, Shiinaha ayaa juhdi ballaaran ku bixinaya sidii uu sii xoojin lahaa wujuudka siyaasadeed ee uu ku leeyahay khaliijka iyo guud ahaan Mandiqadda, kaas oo uu ku cara galinayo ninka ay isku hayaan gobalka oo ah Maraykanka.
Mawqifka uu istaagay Golaha Iskaashiga Khaliijka ee uu Sucuudigu hoggaamiyo kuna aaddan dagaalka Ukrain ayaa daaha ka rogay khilaafka weyn ee u dhexeeya dalalka xunaha ka ah golaha iyo xulafadooda soo jireenka ah ee Maraykanka, Iyadoo Riyad ay diiday inay ka jawaabto codsiyadii kaga yimid Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ee ahaa in Maamulka Aala-Sucuud uu Ruushka ku dhaleeceeyo duullaankiisa Ukraine, Xukuumadda Abuu Dhabi ayaa iyana dhankeeda ka gaabsatay inay u codayso waxa loogu yeero Golaha Ammaanka oo ay taageerto qaraarka Maraykanka iyo Albania ee cambaareynaya duullaanka Ruushka ee Ukraine.
Dhacdadaan iyo kuwa kale oo ka horreeyay ayaa muujinaya heerka kala aragti duwaanshaha ah ee u udhexeeya Riyad iyo Washington, kaas oo si cad u soo shaac baxay kadib markii la baahiyay warbixinno muujinaya in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu muddo dhowr jeer ah diiday codsiyo uu Biden ku doonayay inuu kula hadlo khadka taleefanka, Khabiir Faransiis ah oo u dhuun daloola arrimaha Khaliijka ayaana sheegaya, in tani aysan aheyn kala aragti duwanaansho oo kaliya, balse ay sidoo kale horseedi doonto isbeddel ballaaran oo ku yimaada xiriirka Maraykanka iyo Khaliijka.
Intaa waxa dheer, sara ukaca baahsan ee ku yimid qiimaha shidaalka tan iyo billawgii duullaanka Ruushka ee Ukraine, taas oo Joe Biden ku kaliftay inuu cadaadis saaro Maamulka Aala-Sucuud si uu u kordhiyo wax soo saarka shidaalka, Biden ayaana laba ujeedo ka lahaa arrinkaas, Waa tan koobaade in la xakameeyo heerarka sicir-bararka iyo qal qalka bulsho ee ka dhex jira Mareykanka, iyo tan labaad oo ah in la jaro dhammaan wadooyinka Moscow u sahli kara iney sii wado islamarkaana ay maalgaliso duullaankeeda Ukraine.
Maamulka Aala-Sucuud ayaa dhammaanba Shuruudahaas ku qaabilay diidmo qayaxan iyo si moodsiis, xukuumadda Riyad ayaana sii xoojisay iskaashiga kala dhexeeya Ruushka oo xubin ka ah ururka OPEC+, ujeedana ayaa ah ugu yaraan in la ilaaliyo heerarka wax soo saarka shidaalka, Kulankii ugu dambeeyay ee Axadii lasoo dhaafay, ayuuna ururku dib u xaqiijiyay ku dhaqanka heshiiskii Oktoobar ee ahaa in la dhimo wax soo saarka laba milyan oo fuusto maalintii, laga soo billaabo bishii tagtay ee November.
Sida uu baahiyay Wargeyska Wall Street Journal, Marka loo eego aragtida Maamulka Biden, dagaalka Ukraine ayaa uga dhigan waqti taariikhi ah oo lala bax ah, kaas oo dowladaha caalamka looga doonayo iney mowqif cad ka qaataan islamarkaana hal dhinac la saftaan, Sucuudiga ayaana dhankiisa dagaalkan u arka fursad uu ku soo bandhigayo danihiisa qaran, taas oo keentay inuu xiriir dhan walib ah la yeesho Shiinaha.
Booqashadan iyo heshiisyadii ay kala saxiixdeen labada dhinac intii ay socdeen kulamada kala duwan ee ay yeesheen ayaa muujinaya, heerka uu gaarsiisan yahay isu soo dhawaanshaha Sacuudiga iyo Shiinaha oo sii kordhayay tan iyo bilowgii sanadkan.
Isku soo wada duuboo iskaashigan ayay ujeedadiisu tahay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha adag ee dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee caalamiga ah ee soo food saaraya labadaan dal oo ah Shiinaha iyo Sucuudiga, kuwaas oo ay ugu hooreeyaan dagaalka Ukraine iyo dhibaatada shidaal ee ka taagan guud ahaanba caalamka.