Cali Jeyte oo Iska Casilay Xubinnimada Gudiga Maaliyadda Dagaalka.

Tallaabada uu isaga casilay gudiga maaliyadda ayaa imaanaya iyadoo ay sii gabaabsiyeyso lacagtii qandaraaska ahayd.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka HIrshabelle, Cali Jeyte Cusmaan ayaa maanta soo saaray qoraal uu ku sheegayo inuu iska casilay xubinnimadii guddiga maaliyada iyo taakuleynta ciidanka iyo malleyshiyaadka dagaalada ka waday qeybo kamid ah Hiiraan.

Wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in gudgigii uu ka tirsanaa aysan sidii loogu tala galay u shaqeyn, sidaasi darteedna uu is casilay. Waa qoraal uu aad ula soo degdegay kuna muujiyay in uu jiro musuqmaasuq iyo xatooyo xoolo.

Tallaabada uu isaga casilay gudiga maaliyadda ayaa imaanaya iyadoo ay sii gabaabsiyeyso lacagtii qandaraaska ahayd ee Mareykanka looga soo qaatay la dagaalanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Qaar badan oo kamid ah mas’uuliyiinta DF ayaa lacago boqollaal kun oo doolar ah ku kireystay diyaarado ay ku tageen degaanada qaar, in badan oo furimaha isku sawiray bilihii ugu horreeyay waxay ku laabteen hoteeladoodii markii ay lacago badan ku qaateen iney degaano qabanayaan.

Iscasilaada uu Cali Jeyte ka sameeyay gudiga maaliyadda iyo hadalladii uu maalmihii lasoo dhaafay jeedinayay ee ahaa in uusan laba bilood oo hadda kadib ah dagaalka sii wadi karin ayaa muujinaya culeyska heysta DF.

HOOS KA AKHRISO WARKA KASOO BAXAY CALI JEYTE

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.