Ciidamada Al-Shabaab Ee Gobolka Hiiraan oo Dalaal Kula Wareegay Goobo.

Dhawaan ayay ahayd markii weerar kan oo kale ah ay ciidamada Al-Shabaab ku qaadeen degaano kaabiga ku haya magaalada Baladweyne islamarkaana la wareegeen.

Askarta Al-Shabaab

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan milatariga wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ayaa xalay saqdii dhexe weerar kula dheelmaday xero ay degaanka Goobo ku lahaayeen ciidamada DF iyo malleyshiyaadka Macawiisleyda la baxay.

Dagaalka oo in muddo ah socday ayaa waxaa ugu dambeyntii DF lagala wareegay degaanka iyo saldhigga sida ay inoo xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo degaan ah.

Goobo waa degaan 20km u jira degmada Maxaas waxaana wararka horudhaca ah ay sheegayaan in dagaalka uu khasaare kala duwan kasoo gaaray ciidamadii weerarka lagu qaaday. Milatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa baaritaano ka sameeyay xeryihii ay daganaayeen ciidamada DF iyo malleyshiyadii la socotay.

Dhawaan ayay ahayd markii weerar kan oo kale ah ay ciidamada Al-Shabaab ku qaadeen degaano kaabiga ku haya magaalada Baladweyne islamarkaana la wareegeen. DF iyo malleyshiyada la socota ayaa u muuqda kuwa ku jahwareeray dagaalka iyagoo si joogto ah ula kulmaya khasaare aysan horey ula kulmi jirin markii ay dhufeysyada ku jireen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.