Ciidamada DF oo Nin Waalan Ku Dilay Degmada Aadan Yabaal.

Askarta DF ayaa shacabka ku dilay degaankii ay tagaan, horey waxay Moqokori ugu toogteen wiil dhallinyaro ah.

Kadib qarax khasaare geystay oo askari ku dhimatay gaarina looga gubay, waxay ciidamada DF caro kala duldhaceen nin dhimirka la’ oo wadada socday.

Ninkan oo laga garanayo Aadan Yabaal iyo degaanada u dhow ayaa lagu magacaabi jiray Maxamad Yamani waxaana ay rasaastu ka haleeshay madaxa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay si bareer ah u toogteen ninkan xanuunsanayay kadibna ay qaarkood markii dambe ogaadeen waxa uu yahay qofka ay dileen.

Askarta DF ayaa shacabka ku dilay degaankii ay tagaan, horey waxay Moqokori ugu toogteen wiil dhallinyaro ah oo joogay Ceelbiyood kuna dhashay degmada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.