Ciidamada DF oo Weeraray Warshadda Caafi Dil & Dhaawacna Geystay.

Masuul ka tirsan maamulka Shirkadda ayaa sheegay inuusan garanayn sababta loo soo weeraray.

Ciidamo ka tirsan kuwa DF ayaa maanta weerar hubeysan ku qaaday shaqaalaha warshadda biyaha Caafi iyagoo dil iyo dhaawac u geystay qaar kamid ah shaqaalaha.

Masuul ka tirsan maamulka Shirkadda ayaa sheegay inuusan garanayn sababta loo soo weeraray, wuxuu xusay iney mar qura ka war heleen rasaaska iyo hujuumka.

Wuxuu intaa ku daray in ciidamada soo weeraray shirkadda ay yihiin kuwa dhawaan lasoo dajiyay agagaarka warshadda. Ninka shaqaalaha kamidka ah ee ay dileen ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamad XUseyn Nuur kan dhaawaca ahna waxaa la yiraahdaa Cabdi Maxamuud Cali.

Maamulka warshadda waxay sheegeen in ay shaqada hakinayaan inta laga soo qabanayo dambiilayaasha dhibkan geystay. Ma ahan markii ugu horreysay oo ay ciidamada DF weerar toos ah ku qaadaan mid kamid ah xarumaha ganacsi ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ganacsatada, boobka iyo dhaca ayaa cirka isku sii shareeray kadib doorashadii Xassan Sheekh Maxamuud, waxaa jira ganacsato badan oo sannadihii u dambeeyay dalka isaga tagay kadib marii ay xamili waayeen dhibaatada ay ku qabaan DF.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.