Ciidanka Itoobiya Oo Gudaha Ugalay Maqalla & TPLF Oo Hub Ka Dhigis Billawday.(Warbixin)
Isbadallo cusub ayaa laga soo sheegayaa gobalka Tigre ee dhaca woqooyiga dalka Itoobiya, iyadoona ciidamada xukuumadda Xabashida ay si toos ah gudaha ugu galeen magaalada Maqalla oo ah caasimadda Ismaamulka Tigeeega, xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in ciidamada Eretariya ay isaga baxeen qeybo kamid ah gobalka Tigre.
Qeybo kamid ah heshiiskii ay wada gaareen dhiacyada isku haya Itoobiya ayaa fulay, walow ay harsan yihiin kuwa kale, waxaana Magaalada Maqalle uu jawigeedu ka duwan yahay sidii ay aheyd waayihii lasoo dhaafay, goobaha Electaroniga ee lagu iibiyo taleefannada ayaana laga dareemayaa mashquul badan, iyadoona lagu arkayo boqallaal dad ah oo taleefanno iibsanaya, maadaama isgaarsiinta loo fasaxay gobalka.
Maalintii shalay jabhadda fallaagada ah ee TPLF ayaa si rasmi ah u billawday iney hubka dhigto, taas oo kamid ahyed qodobadii ay kula heshiisay Xukuumadda Adis Ababa, xilli ciidamada boliska ee xukuumadda Itoobiya ay gudaha u galeen Magaalada Maqalla ee caasimadda Tigreega, sawirro lasoo dhigay baraha Internetka ayaana lagu arkayay, boqallaal ciidamo ah oo wata gaadiidka dagaalka oo gudaha usii galaya Magaalada Mqalla.
Madaxa daba galka ee Midowga Africa uqaabilsan gobalka Tigree ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in kooxda fallaagada ah ee TPLF ay si rasmi ah ubillawday iney hubka dhigto, xilli dad goobjoogayaal ah ay soo warinayaan, in ciidamada ka socda Eretariya ay isaga baxeen degaannada dhaca xuduudda, iyo qeybo badan oo kamid ah gobalka Tigre.
Heshiiskii ay wada galeen dhinacyadaan ayaa ka koobnaa illaa 11 qodob, waaxda dabagalka u qaabilsan Midowga Africa ee gobalka Tigre ayaana sheegeysa, in ciidamada kooxda laga rari doono dhufeysyadii ay kaga jireen furimaha dagaalka, iyadoona intaa ku dartay, in Maleeshiyaadkaan hubka laga dhigi doono islamarkaana ay kamid noqon doonaan Mujtamaca gobalka.
Dhinaca kale waxaa soo baxaya wararka sheegaya in ciidamada Eretariya ay billaabeen iney dib uga gurteen goobihii ay duullaanka ku joogeen, wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa illaa 3 ilo wareedyo oo kala duwan ayaana baahisay, in ciidamda Xuxuumadda Asmara ay isaga baxeen Magaalooyinka Shire iyo Aksum oo ka tirsan gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, iyagoo ku sii jeeday dhanka xuduudda.
Ciidamada xukuumadda Eretariya ayaa ka bar bar dagaallamayay askarta Xabashida ee dagaalka qaatay mudada labada sano ah kaga jiray gobalka Tigre ee dhaca woqooyiga dalka, waxaana mudadii ay halkaasi ku sugnaayeen lagu eedeeyay iney ku kaceen xad gudubyo ka dhan ah waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha.
Tacaddiyada lagu eedeeyay ciidamadaan waxaa kamid ah, iney xasuuq aan kala sooc laheen ay kula kaceen dadka kasoo jeeda qowmiyadda Tigree, islamarkaana ay kufsi wadaradeed ka geysteen degaannada laga qabsaday kooxda fallaagada ah, iyo sidoo kale iney bur buriyeen oo ay dab qabadsiiyeen tuulooyin badan oo ku yaalla gobalka Tigre.
Illaa iyo hadda macada in ciidamada Eretariya ay si dhameystiran kaga bixi doonaan gobalka Tigre ee dhaca woqooyiga Itoobiya, iyo iney kaliya ka baxayaan degaanno loo cayimay, Wasiirka warfaafinta ee dowladda Erertariya oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaana sheegay, inuusan awoodin xaqiijinta ama beeninta in ciidamadoodu ay ka baxeen qeybo kamid ah gobalka.
Qolooyinka ka shaqeeya arrimaha gar gaarka ee ku sugan Magaalooyinka Shire iyo Aksum ayaa soo sheegaya, iney arkayeen tiro gaadiidka xamuulka ah iyo kuwa ciidanka qaada oo ay ka buuxaan askar Eretariyan ah oo ku sii jeeday magaalada Shiraare ee ku taalla xuduudda, mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka ayaa intaa ku daray in askartu ay ku dhawaaqayeen ereyo sagootin ah.
Arrimahaan ayaa kusoo aadaya 48 saacadood kadib markii la shaaciyay in ciidamada boliska ee xukuumadda xabashida Itoobiya ay si rasmi ah gudaha ugu galeen Magaalada Maqalle ee caasimadda ismaamulka Tigreega, gobalkaan oo ay wax ku dhaw 2 sano ka socdeen dagaallo qaraar, ayay hadda dib uga billawdeen duulimaadyada caalamiga ah.
Bayaan kasoo baxay taliska ciidamda boliska ee xukuumadda Adis Aababa ayaa lagu xaqiijiyay, in khamiistii lasoo dhaafay ay ciidamadoodu si rasmi ah gudaha ugu galeen Magaalada Maqalle, ayna qaadi doonaan Masuuliyadda ammaanka hey’adaha fadaraaliga ah oo ay kamid yihiin garoomada diyaaradaha, bangiyada, iyo adeegyada is gaarsiinta.
Galitaanka ciidamada boliska dowladda Itoobiya ee Magaalada Maqalle ayaa ah astaan labaad oo muujineysa tadbiiqinta heshiiskii ay wada gaareen labada dhinac, iyo dub uhagaajinta cilaaqaadkii ka dhexeeyay xukuumadda dhexe iyo Mandiqaddaan oo ay ku xooganaayeen fallaagada TPLF.
Arbacadii lasoo dhaafay ayay aheyd markii duulimaadkii ugu horreeyay muddo 18 bilood ah kadib uu gaaray Magaala Maqalle ee caasimadda Ismaamulka Tigreega, taas oo in muddo ah la kulmeysay duqeymo bahalnimo ah oo kaga imaanayay xukuumadda fadhigeedu yahay Magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya.
Sharikadda duulimaadka ee ugu weyn qaaradda Africa ayaa sheegtay iney nidaamisay duulimaadyo dhowr ah oo lagu wado in laga sameeyo gobalka Tigree ee woqooyiga Itoobiya, iyadoo intaa ku dartay iney sii kordhin doonto tirada duulimaadyada ee taga gobalkaan iyo caasimaddiisa ee Maqalla.
Kumannaan ruux oo Itoobiyaan ah ayaa ku naf waayay dagaallada aan waxba la isla harin ee mudada ku dhaw 2-da sano ka soconayay gobalka Tigre ee dhaca woqooyiga dalka Itoobiya, waxaana intaa dheer iney ku baraceen malaayiin ruux oo Itoobiyaan ah.
Warbixinnada laga soo tabiyay gobalkaan ayaa waxaa kamid ah in badi dadkaan ay gaajo u dhinteen, maadaama qolyaha sheegta gar gaarka loo diiday iney gudaha u galaan magaalooyin ku yaalla gobalka Tigree ee dhaca woqooyiga Itoobiya, kuwaas oo ay ku xooganayeen Maleeshiyaadka fallaagada ah ee TPLF.
Dadka Xabashida ah ayay ku adkaan doontaan iney si dhib yar ay kaga soo kabsadaan dhibaatdii ay ka dhaxleen dagaalkaan, arrinta xusidda kudan ayaana ah, in mar waliba la filan karo iney colaaddu dib u qaraxdo, Maadaamada waxa leysku hayo ay tahay siyaasad iyo arrimo kale oo umuuqda inaan waxba laga qaban, kuwaas oo horsiidi kara in dhinacyadu ay dib isugu dhacaan, dagaal hor lehna uu ka qarxo dalkaan dhaca bariga qaaradda Africa.
Inkastoo ay jiraan dhacdooyinkaan haddana waxaa qeybo badan oo kamid ah dalka Itoobiya ka taagan dagaallo iyo colaado u dhexeeya kooxaha kasoo hor jeeda dowladda iyo xukuumadda Xabashida, gobalka Oromiya ayaana waxaa wali ka taagan dagaallo iyo xasuuq ka dhan ah Oromada.
Maleeshiyaadka Amxaarada ee loo yaqaanno Fano iyo ciidamada Fedaraaliga ayaa xasuuq wuxuushnimo ah waxay ka geysteen gobalka Oromiya ee dalka Itoobiya, waxaa kooxaha Oromada ay ku goodiyeen iney ka aargudan doonaan Maleeshiyaadka iyo ciidamada Xabashida, waxayna la wareegeen degaanno ku dhaw caasimadda Itoobiya.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Xaaladihii ugu dambeeyay ee gobalka Tigree ee Woqooyiga Itoobiya.