Cod+Warsaxaafadeed: Beesha Reer Xaaji Saleebaan iyo Al Shabaab oo heshiis buuxa gaaray.

Ujeedo: Hishiis dhexmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Beesha Reer Xaaji Saleebaan.

Waxaa lasoo gunaanaday kulamo maalmihii lasoo dhaafay usocday hoggaanka beesha Reer Xaaji Saleebaan iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Gaba gabada kulanka waxaa lagasoo saaray bayaan ka kooban illaa 10 qodob waxaana kamid ah in beesha Xaaji Saleebaan ay ka baxday isbahaysigii Shareeca ladirirka ahaa ee lagusoo qaaday wilaayaatka Islaamiga gaar ahaan gobollada dhexe.

Halkan ka dhageyso Nabadoon Max’med Saciid Jimcaale oo akhrinaya bayaanka MP3

Hoos ka akhriso qodobadii lagu heshiiyay

بسم الله الرحمن الرحيم

Taariikh: 28 Jamadul Awal 1444 Hijri.
(22/12/2022)

Ujeedo: Hishiis dhexmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Beesha Reer Xaaji Saleebaan.

Kadib shirar iyo kulamo dhexmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo odayaasha dhaqanka beesha Reer Xaaji Saleebaan, kulamadaas oo ka dhacay degmada Xaradhereere, socdayna muddo toban maalmood ah, laga billaabo 18 Jamaadul Awal ilaa 28 Jamaadul Awal 1444 Hijri. Waxay labada dhinac ku hishiiyeen qodobada soo socda:

Qodabada heshiiska:

1: Waa in ku dhaqanka Shareecada Islaamka laga hirgeliyo deegaanada beesha Reer Xaaji Saleebaan, fulinta arinkaasna ay beeshu kaalinteedana ka qaadataa.

2: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan ay iska fogeysaa, berina ka noqotaa, aysana la shaqaynin cadawga shereeco la dirirka ah, sida gaalada saliibiyiinta ah, murtadiinta iyo mushrikiinta.

3: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan ay safka cadawga ka saartaa dhamaan dadkeeda, gaadiidkeeda iyo hubkeeda nooc walba oo uu yahay.

4: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan aysan deegaanadeeda u ogolaanin qabiil dullaan ku ah ku dhaqanka shereecada Islaamka iyo nidaamka Wilaayaatka Islaamiga.

5: Waa in Xarakadu ay beesha ku wareejiso dhamaan maxaabiista ka dhashay beeshaas, tiradooduna tahay 67 qofood kuwaas oo kujira gacanta Xarakada.

6: Waa in beesha loo fasaxo dhamaan gaadiidka iyo ganacsiga laga xayiray dagaalkii dhacay kadib.

7: Waxaa ka mamnuuc ah in hub lagu dhex-qaato degaanada beesha loo fasaxay.

8: Cid waliba oo gacansiisa ama qarisa cadowga Muslimiinta waxuu ku xukun noqonayaa lana mid noqnayaa cadowgaas.

Deegaanada loo fasaxayo beesha iyo shuruudaha ku xiran:

Dadka deegaanadaas loo fasaxay waxaa laga rabaa inay fuliyaan
arrimaha soo socda;-

1: Waa in dadka deegaanadu amniga kala shaqeeyaan wilaayada Islaamiga ah.

2: Waa in la ilaaliyo bad-qabka dhulka lagana hortago xaalufinta deegaanka.

3: Waa in deegaanadu u hogaansamaan awaamirta wilaayaada islaamiga ah.

4: Waa in aan dhulka lafasaxay lagu dhibaateynin Mujaahidiinta, ayna marikaraan meshey donaan.

5: Wixii meshaas Mujaahidiinta loogu geysto – aan aheyn ciidan duullaan ah – masuuliyadeeda beesha ayaa qaadeysa.

6: Waa inay ilaaliyaan deris-wanaaga beelaha ey walaalaha yihiin

7: Waa in ey ka fogaadaan xarumaha cadawgu degan yahay.

FG: Mudada heshiiska lagu dhaqan gelinayo waa 7 maalmood o ka bilabaneysa maalinta la saxiixay malinta ka danbeysa .

Saxiixa beesha Reer Xaaji Saleebaan:
1- Nabadoon Cumar Maxamed Jimcaale(Faniinto)

2- Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle-

3- Nabadoon Sugaal Warsame Cali

4- Nabadoon Cabdinuur Axmed Faarax

5- Nabadoon Cali Nuur Bootaan Kulmiye

6- Nabadoon Maxamad Cali Aadan

7- Nabadoon Axmed Maxamuud (Foolfooley)

8- Nabadoon Maxmed Saciid Jimcaale

9- Nabadoon Guray Cabdulle Axmed

10- Nabadoon Cabdi Daahir Maxumud

11- Nabadoon Cali Saciid Axmed Rooble

12- Nabadoon Ciise Cali Aadan

13- Nabadoon Cali Cumar Maxamed

14- Nabadoon Axmed Macalin Xasan

Saxiixa Wakiillada Xarakada:

1- Sheekh Cabdullahi Abu Khalid (Waaliga Galguduud)

2- Sheekh Xassan Abu Xamza (Waaliga Mudug)

وبالله التوفيق

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.