Video: Janaraal Odawaa Oo Sheegay Inuusan Isla Xisaabtan Jirin Inta Uu Socdo Dagaalka!!

Malleyshiyadii hor fadhisay ayaa aad ugu faraxday hadalka Odawaa waxayna billaabeen sacab.

Janaraal Odawaa Yuusuf Raage oo ah taliyaha ciidanka DF ayaa waxaa dhawaan kasoo baxay hadal aad loola yaabay oo uu ku dhiira galinayo in ciidamadu ay bulshada u geystaan wixii ay doonaan oo dhibaato ah kadib markii uu shaaciyay inuusan jirin wax isla xisaabtan ah.

Hadalkan ayaa dad badan soo xasuusinaya sannadkii 2008 markii ay Muqdisho joogtay dowladdii ay Xabashidu keentay ee uu madaxda ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmad goortaasoo ay madaxtooyadu ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo dalka la galiyay laguna xalaashaday hantida iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

Taliyaha aan khirbadda lahayn ee DF oo u muuqday nin warkan looga soo yeeriyay Villa Soomaaliya ayaa ka hor jeediyay ciidamo aad u duruufeysan oo maryo duug ah xiran meel kamid ah Sh/dhexe. Wuxuu si cad u sheegay in xabadoodu ay meel ku jeedo wixii dhib ah ee dhacana aanan dheg jalaq loo siin doonin.

“Dhibaa dhacay dheg jaq ha u siinin, xabadeena meeley kusii jeedaa, meesha ay kusii jeedo marka aan kasoo jeesano maalinkaasaan maalinkaasaan miiska wada xisaabtanka iyo miiska sharciga isugu imaaneynaa dagaalka dhexdiisa wixi ka dhacay markaasaa aa aa laga hadlaa, warkaasu sow ma cado?” ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

Malleyshiyadii hor fadhisay ayaa aad ugu faraxday hadalka Odawaa waxayna billaabeen iney u sacbiyaan, waayo waxay heleen fursad aan loogu raacan akrin wixii ay dhexdooda isu geystaan iyo wixii ay dadweynaha kula kacaan intaba.

Taliyaha oo sii hadlaya ayaa ku nuux-nuuxsaday wax walba oo dhaca in ay indhahooda iyo dhagahooda ka xiran yihiin intaba uu nool yahay qof ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo dagaal kula jira ciidamada shisheeye iyo kuwa DF.

“Qof Shabaabuhu intow nool yahay, hal shaqi oo ayiga kamiduhu intow nool yahay wax walba ee kalee dhaca indhaheenuna waa ka xeranyihiin ma aragno dhagaheenuna waa ka xeran yihiin” sidaasi waxaa yiri taliye Odawaa.

Muddo todobaad laga joogo ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa DF iyo mooryaanta la socota ay laba haween ah ku kufsadeen meel u dhow degmada Cadalle ee gobolka Sh/dhexe, sidoo kale waxay Isniintii todobaadkan weerareen xarunta warshadda biyaha Caafi ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay ku dileen nin kamid ah hawlwadeenada kuna dhaawaceen mid kale.

Maxkamadda ciidamada ayaa dhankeeda wada in askarigii shacab soo dila xukunka laga weeciyo oo lasii daayo islamarkaana lagu badalo qof kale oo aan waxba galabsan, waxaana ugu dambeeya xiisadda haatan taagan ee ah in askari dilay wiil dhallinyaro ah lagu badalo wiil ay qoyskiisu beeraley yihiin, waxaana qiray Xildhibaano iyo Wasiiro kamid ah DF.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.