Daawo Saciid Dani oo Laamaha Amniga Puntland Ku Eedeeyay Cabista & Iibinta Khamriga.

Dani ayaa la xasuustaa in wax yar kadib doorashadiisii uu bulshada ku dhiiragaliyay iney isticmaalaan baraha bulshada.

Hogaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo meel madax ah ka hadlayay ayaa sheegay in Puntland uu hareeyay fisqi iyo fasaad, wuxuu tusaale usoo qaatay isticmaalka Khamriga oo gaaray heer la xalaashado.

Wuxuu intaa ku daray in Khamrigu uu gaaray miyiga uuna maqlay in xoolaha la siiyo iyadoo ujeedo gaar ah laga leeyahay, wuxuu ka deyriyay sida maanta xaal yahay, wuxuu xusay in dhaqankii uu sii lumayo damiirkiina meesha ka baxayo.

Saciid Dani ayaa sheegay in fasaadkan ay hor boodayaan dadkii ay ahayd iney bulshada dhabbaha saxan ku hogaamiyaan, dadkaasina wuxuu ka soo qaatay laamaha ammaanka ee maamulkiisa oo uu sheegay iney cabaan Khamriga kana ganacsadaan.

Dani ayaa la xasuustaa in wax yar kadib doorashadiisii uu bulshada ku dhiiragaliyay iney isticmaalaan baraha bulshada oo la ogyahay in ay yihiin meelaha ugu badan ee dhallan rogga ku haya jiilka maanta, waxaana la wada arkayaa in isagii sidaa lahaa uu maanta qeyla dhaaminayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.