Dagaallo Lagu Dilay Sarkaal Iyo Askar DF Ah Oo Ka Dhacay Sh/Dhexe Iyo Hiiraan.

Dagaallo xooggan oo maanta ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa khasaare isugu dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay askata DF ee duullaanka ku qaaday degaanaada goboladaas.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday askarta DF ee ku sugan duleedka Al-kowthar ee Sh/dhexe, waxaana halkaas lagu dilay sargaal kamid ah saraakiisha hogaaminaysay dagaalada ay DF ku qaaday degaanada wilaayada Sh/dhexe.

Dagaalkan ayaa waxaa lagu dilay Kabtan Maxamad Cagajilic oo ahaa taliye ku xigeenka ciidamada DF ee duullaanka kusoo qaaday gobolkaasi, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay 1 askari oo kale.

Dhanka Hiiraan dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidanka milatariga Al-Shaabab iyo kuwa DF ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Moqokori.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ugu yaraan 5 katirsan ciidanka DF ayaa lagu dilay dagaaladan halka tiro intaasi ka badana lagu dhaawacay.

Askarta DF ee duullanka ku qaaday degaannada lagu xukumayay Shareecada Islaamka ayaa waxay la kulmeen dagaallo lagu dhiib bixiyay kuwaa oo kaga imaanay ciidamada milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ku diraarsan difaacidda Sharecada Allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.