Dagaallo Lagu Jebiyay DF Askarna Looga Dilay Oo Ka Dhacay Sh/Dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in degaan katirsan gobolkaas ay ka dhaceen dagaallo culus oo lagu jibiyay ciidamada dowladda Federalka islamarkaana lagu gaarsiiyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaaladaan oo ka dhacay duleedka degmada Al-Kowthar ee Sh/Dhexe ayaa dhowr jeer waxaa lagu jebiyay ciidamo katirsan kuwa Bangaraafta ee uu Mareykanku tababartay.

Inta xaqiijiyay waxaa lagu dilay 2 askari halka lagu dhaawacay 3 kale oo uu ku jiray sargaal lagu magacaabo Axmed Sangaab kaasi oo uu soo gaaray dhaawac halis ah.

Horaanta Todobaadkan ayay aheyd markii dagaallo ka dhacay degaanka Daaru Nicma ee duleedka deegaanka Al-kowthar lagu dilay 19 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaatka Bangaraafta, sidoo kalena lagu dhaawacay 23 kale halka lagu gubay 2 gaari oo nuuca C/bilaha oo ay qoryo saarnaayeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.