Dagaallo Udheexeya Fallaagada M23 & Ciidanka Congo DRC Oo Ka Dhacay Bariga Dalkaas.
Warbixinnada laga soo tabinayo Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo ayaa sheegaya, in dagaallo xooggan oo u dhexeeya kooxaha fallaagada ah iyo ciidamada xukuumadda ay dib kaga qarxeen qeybo badan oo kamid ah dalkaas, iyadoona la afduubtay tiro dad ah.
Dagaallada culus ee u dhexeeya kooxda fallaada ee magaceeda loo soo gaabiyo M23 iyo ciidanka dowladda ayaa waxaa kusoo biiray kooxo kale oo garab siinaya kuwa fallaaga ee Maarso 23, iyadoona kooxahaan lagu eedeeyay iney afduub u geysteen dad rayid ah.
Iska-hor’imaadyada ugu xooggan waxa ay ka soconayaan Mandiqadaha Bashusha iyo Tongo, sida ay soo warinayaan dadka degaanka, waxayna kooxahaan cusub ee ka dillaacay dalkaas ay sheegeen iney doonayaan xureynta Ruwanda.
Saraakiil katirsan Congada Dimuquraadiga ah oo saxaafadda la hadlay ayaa waxay sheegeen, in kooxaha fallaagada ay ay Mandiqadda Tongo ka afduubteen ku dhawaad 50 ruux oo ay ku eedeeyeen iney la shaqeynayeen ciidamada dowladda, waxayna intaa ku dareen in illaa iyo hadda lasoo daayay 15 ruux oo dumar u badan.
Inkastoo ay kooxahaan fallaagada ah ka mideysan yihiin la dagaallanka dowladda, haddana waxaa jira khilaaf iyaga dhexdooda ah, mid kamid ah saraakiisha dowladda waxa uu sheegayaa in kooxda M23 ay gacanta ku heysato 18 kamid ah dadka la xiray, kuwaas oo ay ku eedeysay iney gacan saar la leeyihiin kooxaha kale ee kasoo horjeeda dowladda.
Labada kamid ah ehellada dadka la afduubtay ayaa iyagana la qafaashay, iyadoona la geeyay magaalo ay ku xooggan yihiin fallaagada Marso 23, walow markii dambe lasii daayay.
“Waxaan isku daynay inaan kooxda la xiriirno, waxayna noosheegeen in walaalheenna ay noolyihiin” ayuu yiri mid kamid ah ehellada dadka u gacan galay kooxda.
Sannadkii 2013-ka ayay kooxdaan la kulantay jab xooggan, kadib markii laga saaray inta badan magaalooyinkii ay gacanta ku heysay, walow sanadihii lasoo dhaafay dib isku soo abaabushay, iyadoona la wareegtay masaaxo ballaaran oo kamid ah dalka, iyo goballada dhaca xuduudda ay wadaagaan Congo iyo Ruwanda.