DEGDEG: Toogasho Ka Dhacday Dalka Faransiinka Iyo Khasaare Ka Dhashay.

Weerar toogasho ah oo geystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, sida ay tabisay Warbaahinta dalkaasi.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ugu yaraan 2 ruux ay ku dhintay halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen oo mid ka mid ah xaaladiisu aad u liidato toogashadan oo si gaar ah kaga dhacday afaafka hore ee xarunta lagu qaabilo qaxootiga Kurdiyiinta ee ku taalla xaafadda Tobnaad ee magaalada Paris.

Khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkaan ayaa ah mid isi soo taraya, wararka qaar ayaana sheegeen in dadka halkaas ku dhaawacmay ay 7 ruux yihiin, wallow si rasmi ah aanan loo xaqiijin.

Booliska Faransiiska ayaa sheegay in ay qabteen nin looga shakisan yahay fuliyihii weerar-kan islamarkaana aaggaasi uu wali ka socdo howlgal, iyagoona ugu baaqeen shacabka inay ka fogaadaan goobta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.