Dhagayso:Kabo ku takade oo ka hadlay Qaraxyo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.
Waaliga wilaayada islaamiga ah ee shabeellaha dhexe ayaa ka warbixiyay qaraxyo maanta ka dhacay gobalka shabeellaha dhexe kuwaasi oo mid kamid ah uu ku dhintay sarkaal katirsanaa dowladda federaalka.
Sheekh Yuusug Kabo kutukade oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Alfurqaan ayaa sheegay 6 Askari oo uu kamid ahaa Sarkaal lagu magacaabo Cabdi Rashiid Cali Lugeey oo gobalka laga yaqaanay ay ku dileen qaraxii maanta ka dhacay inta u dhaxeeysa degmada Mahadaay iyo Buurane.
Kabo kutukade ayaa kasii hadlay qarax kale oo lala beegsaday gaari uu leeyahay Taliyaha ciidamada Booliska maamulka Hirshabeelle.