Dhageyso: Fawaaz Walad Axmed Oo Lagu Wareejiyay Dowladda Mareykanka.(Warbixin)
Wasaaradda waxa loogu yeero cadaaladda ee dowoaladda Mareykanka ayaa sheegtay iney lasoo wareegtay muwaadin u dhashay dalka Murutaaniya, kaas oo kol sii horreysay lagu xukumay xukun dil ah, xilli uu ku sugnaa dalka Maali.
Fawaaz Walad Axmed oo ah Murutaaniga lagu wareejiyay xukuumadda Washington ayaa loo heystaa inuu ku lug lahaa weeraro dhiig badan uu ku daatay, islamarkaana lagu dilay tobannaan ruux oo ajaanib u badan, uuna ku jiro muwaadin American ah, kuwaas oo 2015-kii ka dhacay gudaha dalka Maali.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay, in Mareykanka uu si rasmi ah ula wareegay Fawaaz, islamarkaana maalintii jimcaha laga dajiyay Magaalada New York ee gudaha dalka Mareykanka, waxaana ninkaan ay horay xukuumadda Maali ugu xukuntay dil dootagasho ah, kadib markii uu qirtay inuu qorsheeyay, islamarkaana fuliyay weeraro lagu xasuuqay dad kasoo jeeda wadamada reer-galbeedla oo ku sugnaa Maali.
Warka kasoo baxay wasaaradda waxa loogu yeero cadaaladda ee dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu tilmaamay, in Fawaaz oo 44 jir ah uu wajahyo eedeymo kale oo ay kamid yihiin, dilka haweeney American ah oo ku sugneyd dalka Maali, iyo inuu sidoo kale taageero siinayay Mujaahidiinta Maqribul Islaam ee uu Mareykanku u aqoonsan yahay iney yihiin waxa uu ugu yeeray urur “Argagixiso”.
Garsooraha Americanka ah ayaa amar ku bixiyay in Fawaaz xabsiga lagu sii hayo inta maxkamadeyntiisu socoto.
Sannadkii 2020-ka ayaa Maxkamad lasoo taagay Fawaaz, xilligaas oo lagu eedeeyay inuu weerar ku qaaday maqaayad ku taalla dalka Maali, uuna halkaasi ku dilay 5 ruux kuna dhaawacay 8 kale, iyo inuu sidoo kale qorsheeyay kana qeyb qaatay 2 weerar oo kale oo lagu qaaday laba hotel oo ku yaalla Magaalada Bomako ee caasimadda dalka Maali, weeraradaas 3-da ah ayayna wasaaraddu sheegtay in lagu dilay 38 ruux uu badan kuwa kasoo jeeda wadamada reer galbeedka.
Fawaaz oo xilligaas ka hor hadlay Maxkamadda ku taalla dalka Maali ayaa sheegey inuusan ka qoomameyneyn weeraradaas, maadaama uu ugu aar gudayay cirdiga nabi Maxamed SCW, xilligaas oo uu wargeys kasoo baxa Faransiiska laguna Magacaabo Charlie Hebdo uu faafiyay, sawir gacameedyo uu ku suurad xumeynayo Rasuulka SCW.
Wakaaladda wararka ee Reutrs oo soo xiganeysa madax katirsan xukuumadda Maali ayaa sheegtay, in maxbuuska hadda lagu wareejiyay dowladda Mareykanka la xiray sannadkii 2016-ka, xilligaas oo uu ku howlanaa fulinta weeraro hor leh oo loo adeegsado bam gacameedyo iyo hubka fudud.
Fawaaz Walad Axmed ayaa dabayaaqadii todobaatanaadkii qarnigii hore waxa uu ku dhashay Magaalada Nouakchott ee caasimadda Murutaaniya, Sannadkii 2008-dii ayayna warbixinnadu tilmaamayaan inuu ku biiray mucaskar tababar oo taabacsan Jamaaco jihaadi ah, dhammaadkii sannadkaasna uu ka qeyb qaatay howlgal lagu soo af duubtay 2 dilmaasi oo u dhalatay dalka Canada, kuwaas oo laga soo qafaashay dalka Naijeira.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Fawaaz Walad Axmed oo lagu wareejiyay dowladda Mareykanka