Diyaaradaha Dagaalka Ee Ukraine Oo Duqeyn Ka Fuliyay Gudaha Fog Ee Dhulka Ruushka.(Warbixin)
Dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine oo garab ka heleysa dowladaha reer-galbeedka ayaa wali ka soconaya goballo badan oo katirsan Ukraine, maadaama aysan jirin rajo ah inuu dagaalki joogsado ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxay dagaallo iyo duqeymo culus ka dhaceen magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, iyo xittaa gudaha Ruushka.
Wararka ka imaanaya Ruushka ayaa ku waramaya in weerar loo adeegsaday diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ah lagu qaaday, xarun ciidan oo ay mellatariga Ruushka ku lahaayeen mid kamid ah goballada dalkaas, inakastoo nidaamka difaaca wada ee Moscow uu sheegtay inuu ka hor tagay weerarka, haddana waxaa lasoo warinayaa khasaare kala duwan oo soo gaaray mellatariga dowladda Ruushka.
Wasaaradda dicaafa ee Moscow ayaa shaacisay, in nidaamkooda difaaca hawada uu ka hortagay, islamarkaana uu fashiliyay weerar loo adeegsaday diyaarad Drone ah oo ay Ukraine kusoo qaaday xerada Engels ee gobolka Saratov, dowladda Ruushka ayaana dib u soo cusbooneysiisay digniinteeda ku wajahan reer galbeedka ee ku aaddan, cawaaqibta foosha xun ee ka dhalan karta dagaal 3-aad oo ka dhaca aduuunka.
Bayaan kasoo baxay waaxda difaaca ee Ruuska ayaa lagu sheegey, in waqti hore oo maanta ah ay dhulka soo dhigeen diyaarad Drone ah oo ay leedahay Ukraine, taas oo jawi hoose ku socotay, islamarkaana kasoo ag dhawaatay saldhigga uu weerarku ka dhacay, waxay wasaaraddu intaa ku dartay, in soo ridista iyo bur burka diyaaradda ay ku dhinteen 3 askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Kol sii horreysay oo manta ah ayay warbaahinnada Ruushka iyo Ukraine si isku mid ah usoo tabinayeen, in qaraxyo xooggan laga maqlay saldhigga ciidamada cirka Ruushka ee ku yaalla gudaha dalkaas, kaas oo boqallaal KM ka fog xuduudda bari ee ay wadaagaan Ruushka iyo Ukarine.
Wakaaladda wararka RPC ee laga leeyahay Ukraine ayaa dhankeeda xaqiijisay, in ugu yaraan 2 gantaal ay kusuoo dhaceen xarunta, dadka degaanka ayaa iyana dhankooda laga soo xigtay, iney maqlayeen dhawaqa digniinta oo ka yeereysay xarunta ciidamada Ruushka ee la duqeeyay.
Inkastoo uu Ruushku qarinayo khasaaraha dhabta ah ee kasoo gaaray weerarkaan, ayay haddana wararka qaar tilmaamayaan, in khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ka dhashay weerarka uu yahay mid aan la dabooli karin, warka kasoo baxay waaxda difaaca ee Ruushka ayaana lagu sheegay, in qalabkii yiillay xerada ciidanka oo ku dhawaad 730-KM ka fog xuduudda aysan waxyeello soo gaarin.
Waxaa xusid mudan in weerarkaan uu yahay kii 2-aad ee bishaan gudihiisa ka dhaca isla saldhiggaan ay ciidamada Ruushku leeyihiin, Xaruntaan ayaana ah mid muhiim ah u ah Ruushka, maadaama laga soo rido gantaallada casriga ah ee ay xukuumadda Mosocw u isticmaaleyso duullaankeeda Ukraine.
Ruushku malahan car cartii iyo bootadii uu kusoo dagaal galay, xaaladda ayaana ku socoto si ka duwan qorshihii uu dagaalka ka lahaa, ciidamada Ukraine oo garab galaya dowladaha reer-galbeedka, iyo calooshood u shaqeyatayaal badankood kasoo jeeda wadamadaas, ayaana ku guuleystey iney dib u riixaan ciidamada Ruushka ee kusoo taqadumay in badan oo kamid ah dhulka Ukraine.
Xukuumadda Moscow ayaa hadda umuuqata mid difaac ku jirta, islamarkaana ku dalaaleysa ineysan ganteeda ka bixin magaalooyin dhowr ah oo ay horay kaga qabsatay xukuumadda Kiev, xilli horay looga soo saaray goballo badan badan, “Ciidamada Ruushka waxay 24-ka saac ka shaqeynayaan sidii ay u heli lahaayeen goobo cusub oo ay kaga hor tagaan weerada sawaariikhda loo adeegsanyo iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ay soo qaadeyso xukuumadda Kiev”, ayaa lagu yiri war ay daabacday wakaaladda wararka ee Ruushka ee Interfax oo ka soo xiganeysa wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaas.
Xukuumadda Moscow waxay mar waliba ku goodisaa iney adeegsan doonto hubka wax gumaada ee Nueclerka, caalamkana uu marti galin doono dagaal 3-aad, Madaxa golaha ammaanka qaranka ee Ruushka ee Dmitry Medvedev ayaana sheegay, in aduunka uu ku socdo, islamarkaana uu qarka u saaran yahay waxa uu ugu yeeray dagaal saddexaad iyo masiibo Nukliyeer ah, haddii aan dammaanad-qaadyo xagga ammaanka ah la siinin Ruushka.
Medvedev ayaa ku nuuxnuuxsaday in dalkiisa uu sameyn doono wax walba oo suurtagal ah, si looga hortago iney dhacaan musoobiyoonkaan la filan karo, Waxa uuna geesta kale carrabka ku adkeeyay in heshiisyada cusub ee hub ka dhigista ay yihiin kuwo aan dhab ahayn oo aan loo baahnayn xilligan.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa ku daray, in Ruushka uusan u baahneyn in uu la xaajoodo reer galbeedka, isla markaana khilaafka u dhaxeeya labada dhinac uu ka badan yahay waxa mideeya, isagoo xusay in dhacdooyinkii sanadkii tagay ay meesha ka saareen in la isku kalsoonaado, dhinacyadana ay gaaraan heshiis ku dhisan ixtiraam, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ukraine waxay daneeneysaa qaab waliba oo lagu naafeyn karo awoodda mellatari, tan dhaqaale, iyo midda siyaasadeed uu Ruushku leeyahay, waxayna dowladaha reer-galbeedka ku caadisaa iney qaadaan tallaabooyin ka dhan ah Ruushka, sida cunaqateymaha ka dhanka ah madaxda Ruushiyaanka ah, iyo sharikadaha laga leeyahay dalkaas.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine oo kalimad ka jeediyay waxa loogu yeero munaasabadda ciidda sannadka ayaa sheegay, iney jiraan is weymiimo badan oo ay qabaan, kuwaas oo ku aaddan in Ruushku uu xaq u leeyahay inuu xubin kasii ahaado golaha ammaanka ee Qamarada Midoobey.?
Waxa uu xusay in Ruushku uusan maranaba xaq u laheyn inuu xubin kasii ahaado golaha, isagoona cambaareyay in Ruushku uu wali kursi joogta ah ku leeyahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Shiinaha, kuwaas oo inta badan diiradda saara arrimaha diblimaasiyadda.
Dueymaha ay isku hayaan dhinacyadaan ku harmaya Ukraine ayaa dhankooda wali ka soconaya goballada lagu muran san yahay ee ku yaalla bariga dalkaas, masuul katirsan ciidanka Ukraine ayaana warbaahinta u sheegay, in Mandiqad katirsan gohalka Donatisk ay diyaaradaha Ruushku dhowr mar duqeeyeen.
Haweeney kamid ah dadka degaanka ayuu sheegay iney ku dhaawactay duqeynta, waxa uuna sidoo kale soo bandhigay muuqallo iyo sawirro muujinaya bur burka ka dhashay dyqeymaha oo si gaar ah u beegsaday warshad ku taalla halkaas, khasaaraha ayuuna sheegey inuu u bahan hayay xagga hantida.
Hey’adda difaaca ee Ukraine waxay dhankeeda sheeganeysaa iney weerar duqeyn ah ku qaaday xarun ciidan oo ay ku sugnaayeen madax sar sare oo katirsan dowladda Ruushka, taas oo ku taalla Mandiqadda Kherson, afhayeen u hadlay hey’adda ayaana ciidamada Ruushka ku eedeeyay iney sii wadaan duqeymaha, si ay u argagax galiyaan dadka rayidka ah, isagoo aan ka hadal kuwa ay iyagu fulinayaan.
Dhinaca kale waaxda difaaca ee xukuumadda Mosocw ayaa shaaca ka qaaday, in howlgalladii ugu dambeeyay ee tan iyo maalinkii sabtida ka dhacay qeybo kamid ah Ukraine ay ku dileen 220 askari oo Yukraaniyiin ah, Afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in howlagalladaan badankood ay ka dhaceen nawaaxiga Mandiqadda Donatisk.
Ma jiraan ilo ka madax bannaan labada dhinac oo xaqiijinaya shiigashooda, balse wariayaal ku sugan Magaalada Baakhmut ee dhacda bariga Ukraine ayaa soo tabinaya, in halkaasi ay ka socdaan dagaallo qaraar oo ku dhexeeya labada ciidan, sidoo kale uu jiro bur bur xooggan oo ka dhashay duqeymaha ay is weydaarsadeen Ruushka iyo Ukraine.
Muuqaallada laga soo duubayo goobaha dagaalka iyo magaalooyinka la bur buriyay ayaa laga dheehan karaa qaabka uu dagaalku ku socdo oo ah mid sii laba lixaadsanaya, dowladaha reer-galbeedka ayaana wali wada garab istaagga ay u muujinayaan Ukraine, halka Ruushkuna uu isku dayayo ka dhabeynta riyadiisa aheyd inuu la wareego Ukraine, waxa hadda u horay oo kaliya ayaana ah inuu adeegsado hubka wax gumaada ee Nueclerka, kaas oo uu marar badan ku goodiyay inuu adeegsan doono.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada Ruushka iyo dagaalka Ukraine.