Faahfaahin: Qarax Lagu Dilay Taliye Cabdi Mareykan Oo Ka Dhacay Sh/Dhexe.
Inta u dhaxeeysa degmada Mahadaay iyo degaanka Buurane ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa saaka ka dhacay qarax lala beegsaday gaari C/bile ah oo uu waday sarkaal Taliye Horin ah oo katirsan ciidanka DF.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa bur-buriyay gaariga lala eegtay waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ilaa 13 isugu jira saraakiil iyo askar.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaani ku dhintay 5 askari oo uu ku jiro Gaashaanle C/Rashiid Cali Lugeey (Cabdi Mareykan) oo ahaa taliye horin katirsan DF, kaas oo ahaa bartilmaameedka weerarkaan, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 8 kale.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay mus’uuluyadda weerarkaan qaraxa loo adeegsaday ee lagu laayay xubnaha DF.