Fadeexad: Garsoorka DF oo Xukunka Qof Wax Dilay Ku Bedelay Mid Kale!!
Ninka dilka gardarrada ah lagu xukumay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdinaasir Cismaan Nuunow (Maama)
Waxaa baraha bulshada qabsaday hadal heynta xukun dil ah oo ay maxkamadda ciidamada DF ku riday nin ay ku eedeysay inuu yahay Al-Shabaab islamarkaana uu dilay askari Taraafiko ah, balse waxaa go’aanka maxkamadda kadib soo baxday in ninkaasi aanu dilin askariga.
Wararka ayaa sheegaya in maxkamadaha DF ay sii daayeen askari ka tirsan DF oo ka dambeeyay dilka kan Taraafikada ah kadibna ku bedeleen nin dhallinyaro ah oo ay sunnadu ka muuqato kana soo qabteen mid kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.
Wasiirka arimaha gudaha DF Axmad Macallin Fiqi oo dhowr bilood ka hor ku baaqayay in lala dagaalamo garsoorka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ay dadka intooda badan u xukun doontaan ayaa kusoo biiray dadka ka hadlaya fadeexadda kusoo baxday garsoorma DF.
Wuxuu ku baaqay in si dhab ah loo baaro xukunka dilka ah ee ay maxkamadda ciidamadu ku riday ninka ay ku eedeysay inuu ka tirsan yahay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab hase ahaatee ay isi soo tarayaan wararka burinaya arrintaas iyo inuusan ahayn qofkii ka dambeeyay dilka askariga.
“Sida muuqata kiiskan wuxuu u baahan yahay hubin, dib u baarid iyo ka fiirsasho badan, waxaana muhiim ah in ehelada daba socota kiiskii ninkaan lagu eedeeyey in la qanciyo isla markaana ninkaan eedeysanaha ah uu asna cadaalad helo,” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Cabdullaahi Xaashi Faarax oo horey usoo noqday Afhayeenka Galmudug islamarkaana ay walaalo yihiin askariga la dilay ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku beeniyay xukunka maxkamadda, wuxuuna sheegay in ninka loo dilayo walaalkii laga gardaran yahay, qofka walaalkii dilayna uu yahay askari ka tirsan ciidanka DF.
Isagoo hadlaya ayaa waxa uu yiri: “Ninkan oo ay Maxkamadda ciidamada ku xukuntay dil iyadoo ku eedeysay inuu dilay walaalkey Maxamed Xaashi xaqiiqdii waa waxba kama jiraan. Waa macquul in uu AS yahay in uu wax dilay balse Mohamed Hashi Waxaa dilay askari ka tirsan dowladda waxaana baarayaasha kiiska wareysteen dadkii arkayay marka uu dhibka gaysanayay,” ayuu yiri.
Ninka dilka gardarrada ah lagu xukumay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdinaasir Cismaan Nuunow (Maama) waxaana sida wararku sheegayaan loogu dhiiraday kadib markii la waayay dad si dhab ah ugu dooda.
Xeerbeegtidu waxay sheegeen in uu qirtay falka dilka ah sidaana lagu sii daayay askarigii loo heystay ee mudada u xirnaa. Arrintan ayaa aad usii kordhineysa shakigii faraha badnaa ee laga qabay garsoorka DF.
Dadka qaar waxaa saameeyay hanjabaad uu jeediyay Xassan Sheekh oo ahayd in qofkii lasoo xero iyadoo lagu tuhmayo inuu yahay Mujaahid ka tirsan Al-Shabaab inaan laga daba iman karin, ciddii ka daba timaadana tallaabo laga qaadayo.
Garsoorka DF oo fursad weyn ka dhex arkay hadalkii Xassan Sheekh ayaa aad usii kordhiyay musuqa iyo xadgudubka ay u geysanayaan dhallinyarada ay kasoo raafaan xaafadaha Muqdisho, waxaana ay caadeysteen in askarigii wax dila ehelkiisa laga qaato laaluush badalkiisa la galiyo qof kale oo aan waxba galabsan.
Hey’adaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa goor aan fogeyn DF ku canaanatay iney geysato xadgudubyo ka dhan ah insaaniyadda. Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo uu maanta Ra’iisulwasaaraha DF Xamse Cabdibarre ka qeyb galay munaasabad ku saabsanayd Musuqmaasuqa, wuxuu sheegay in cadawga ugu weyn ee ay Soomaaliyu leedahay uu yahay Musuqa. DF ayaa sannadihii u dambeeyay noqotay dowladda ugu horreysa xagga musuqmaasuqa.