Ganacsade Lagu Dilay Degmada Caabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud.
Maamulka degmada Caabudwaaq ayaanan illaa iyo hadda ka hadal dilka ganacsadaha.
Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxaa habeenkii xalay ka dhacay fal dil ah oo ay kooxo hubeysani u geysteen ganacsade caan ahaa oo ay si aad ah bulshadu u garanaysay.
Ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdinuur ayaa si bareer ah loogu toogtay xaafadda waabari oo dhacda bartamaha magaalada, iyadoo aysan jirin cid uu wax ka galabsaday, waxaana xilliga la dilayay uu joogay kaalin shidaal oo uu lahaa. Bulshadu waxay dilkan la xariirinayaan aano qabiil waxaana goobta ka baxsaday malleyshiyadii ka dambeysay.
Maamulka degmada Caabudwaaq ayaanan illaa iyo hadda ka hadal dilka ganacsadaha. Caabulwaaq ayaa noqotay meel ay aad ugu soo laalaabtaan dilalka la xariira aanooyinka qabiilka.
Dhibaatooyinkan ayaa waxaa u sabab ah maamulada ka jira degmooyinka qaar ee bartamaha Soomaaliya oo ku saleysan sadbursi qabiil iyo nin tooxsi, tiiyoo ay sii wehliso hey’ado iyo NGO-yo ay shaqadoodu tahay islamarkaana ka macaasha isku dirka qabaa’ilka.
Nabad aan rabigay laga kasbani idinma noolayso
Nuurkiyo waxyiga waxan ahayn idinma noolayso
Nacayb iyo qabyaaladu malahan naalo iyo khayre
Nafta ruuxi gooyee dilee nabaradaas gaysta
Asagana naftiis dhaafsha oo yaano naaloonin
Nabad waa shareecada rabiye qaata nabadeede
Naxli iyo been been war ahiyo nacab xumaantiisa
Nusuustii quraankiyo sunaha yaydin kaga roone
Nabadu waa shareecada rabiye taa ku naalooda