Ganacsade Soomaaliyeed oo Lagu Afduubtay Koofur Afrika.
Waayihii dambe, Koofur Afrika oo aad loogu dilo Soomaalida ayaa waxaa sidoo kale kusoo batay afduubka loo geysanayo...
Wararka ka imaanaya dalka Koofur Afrika ayaa waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay afduub loo geystay mid kamid ah ganacsatada Soomaalida ee caanka ka ah magaalada Johannesburg.
Ganacsadaha oo lagu magacaabo Maxamed Cali Mursal ayaa lagala baxay hotel uu dagganaa, waxaana ay goobjoogayaal sheegayaan in ay kaxaysteen rag hubeysan.
Illaa iyo hadda lama oga halka lala aaday ganacsadaha iyo xaaladdiisa nolol iyo geeriba, Boolisku waxay sheegayaan iney baarayaan ciddii ka dambeysay afduubka.
Waayihii dambe, Koofur Afrika oo aad loogu dilo Soomaalida ayaa waxaa sidoo kale kusoo batay afduubka loo geysanayo, waxaa afduubkan kii ka horreeyay loo geystay gabar Soomaali ah oo uu dhalay nin ganacsade ah.
Kooxo burcad Koofur Afrikaan ah ayaa ka dambeeya afduubka iyo dhaca loo geysto ganacsatada kuwaasoo sidoo kale ay la shaqeeyaan shaqsiyaad Soomaali burcad ah oo usoo basaasa Soomaalida kale.