Gudoomiyihii Baarlamaanka oo Ka Walaacay Darawalkiisii oo Isku Dhiibay Al-Shabaab.

Wareysiga laga qaaday Maxamad Mursal waxaa laga dheehanayay inuu aad ula yaabay...

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga iyo gudoomiyihii Baarlamaaka xilligii Farmaajo, Maxamad Mursal ayaa markii ugu horreysay dhankiisa xaqiijiyay in darawalkiisii gaarka ahaa uu isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Darawalka oo lagu magacaabo Xuseyn Maxamad Xassan ayaa Mursal la shaqeynayay mudadii uu wasaaradda Gaashaandhigga joogay, xilligii uu hogaaminayay baarlamaanka iyo wixii ka dambeeyay.

Mas’uulka oo u waramayay idaacadda dowladda Mareykanka qeybteeda ku hadasha afka Soomaaliga ayaa qiray in Xuseyn uu kamid ahaa darawallo khaas ah oo loo tababaray 6 gaari oo uu Mareykanku siiyay DF.

Mar la weydiiyay su’aalo la xariira sababta uu isugu dhiibay Xarakada Al-Shabaab wuxuu ku gaabsaday in laga war sugo hey’adaha ammaanka. Darawalkii hore ayaa dhankiisa wareysi ay la yeelatay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ku sheegay in uu diin xumo uga soo tagay DF haddana uu yahay nin xor ah oo garkiisa deysan kara.

Intaa wuxuu ku daray in uu dowladda ku nacay sida ay shisheeyaha u taabacday iyo sida loogu yeeriyo wax walba, mudadii uu wareysigu socday waxaa wajigiisa laga dheehanayay qiiro iyo inuu aad ugu faraxsan yahay imaanshaha wilaayaatka islaamiga ah.

Mursal wareysigiisa waxaa ka muuqanayay yaab! wuxuu isku arkaa iney ku dhabowday maahmaahda Soomaaliyeed ee oranaysa (nin sigtay ma noola) mar haddii darawalkiisii gaarka ahaa uu kasoo tagay isagoo mudadii uu la joogay qeybo kamid ah ka aaminsanaa inuu yahay nin diinta ka baxay maadaama uu sheegtay Sharci dajiyaha ugu weyn.

HOOS KA DHAGEYSO LABADA WAREYSI MURSAL IYO DARAWALKA.

Halkan Ka Degso Wareysiga Mursal mp3

Halkan Ka Degso Wareysiga Darawalkiisii mp3

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.