Horjoogihii Macwiisleyda Sh/Dhexe Iyo 13 Askari Oo Lagu Dilay Nuur-Dugle

 

 

 

 

 

Maanta oo Khamiis eheyd gobolka Shabeelada dhexe gaar ahaan deegaanka Nuur Dugle waxaa ka dhacay dagaalo culus oo u dhexeeyay ciidamada XMSH iyo kuwa DF oo ay wehlinayeen Maleeshiyaatka Macwiisleyda loogu yeeray.

Ciidamo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar ku qaaday ciidamadan huwanta ah oo isku u ruursanayay duleedka Nuur Dugle ee Walaayada Shabeelada dhexe khasaaro culus ayaana ka dhashay.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaas Macwiisley iyo DF looga dilay 14 oo uu ku jiro Horjoogihii ugu sareeyay Macawiisleyda Sh/Dhexe oo lagu magacaabo Qaasim Cali Gaab, iyadoona laga gubay gaari ciidan oo nuuca C/bilaha ah.

Waxaa inoo suura gashay inaan helno magacyada qaar kamid ah xubinii lagu dilay weerarka kuwaas oo kala ah
Cali Cabdulle Muuse, Abhaar Nuur Afrax, Cali Maxamed, Quraanle, Xasan Abuukar Cadow, Cali caadle, Dalabeey Cumar, iyo Maxamed Cali shariif.

Saraakiisha Dowladda Xassan Sheekh dagaalkaas looga dilay waxaa kamid ah Gaashaanle Cabdullahi Caraaye Cumar oo dhawaan isagoo booteynaya ka soo hormuuqday Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda.

Dhaawaca waa 19, waxaana intaa dheer oo weerarka ay Alshabaab ku  furteen 5 qori oo Ak47, qori BKM ah, iyo mid RPG, ah.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.