In Ka Badan 150 Ruux Oo Ku Dhintay Dagaal Beeleedyo Ka Dhacay Koonfurta Suudaan.(Warbixin)

Masuuliyiin maxalli ah oo ku sugan Koonfurta Suudaan ayaa soo sheegaya in dagaallo xooggan oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday qeybo kamid ah dalkaas ay ku dhinteen tobaneeyo ruux, kuwaas oo u dhexeeya beelo wada halkaas.

Masuuliyiintaan oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 56 ruux ay ku dhinteen dagaallo qaraar oo 4-tii maalmood ee lasoo dhaafay ka sicday gobalka Joonqule ee dhaca bariga Koonfurta Suudaan.

Dagaallada ayaa yimid ka gadaal markii laba wiil oo dhalinyaro ah, islamarkaana kasoo jeeda qabiilka Nuwiir ay weerar ku qaadeen dadyow kale oo kasoo jeeda qabiil labaad oo dega halkaas, wararka ayaana tilmaamaya in badi dadka la dilay ay kasoo jeedaan qabiilka Nuwiir.

Abraahaam Kalaanji oo ah masuul katirsan xukuumadda ayaa warbaahinta reer galbeedka u xaqiijiyay jiritaanka dagaalkaan iyo kharaasaha ka dhashay intaba, waxa uuna intaa ku daray in xukuumaddu ay gar gaar u diri doonto labada qabiil, walow ay dagaalladu sii lixaadsanayaan.

Masuulkaan ayaa sidoo kale sheegay, in 61 kamid ah dadka la laayay ay kasoo jeedaan qabiilka Nuwiir, halka 5-kalena ay kasoo jeeda qabiilka kale ee Muurli, kuwaas oo ay dagaallo culus ku dhex marayaan Mandiqadda.

Taliska ciidamada waxa loogu yeero nabad ilaalinta ee ku sugan Koonfurta Suudaan ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegay, in laba dhalinyaro ah oo kasoo jeeda qabiilka weerarka billaabay ay qorsheynayaan iney weerar ku qaadaan qabiilka kale, ayna ka cabsi qabaan inuu dhaco dagaal uu dhiig badan ku daato.

Talisku waxa uu sheegay in ay ka war hayaan xiisadaha dagaal iyo iska hor’imaayada ka taagan gobalka, ayna ciidamo badan udiri doonaan aagaga ay dagaalladu ka socdaan.

Dagaallada salka ku haya aanooyinka qabiil iyo weerarada aargoosiga ah ee ay isku beegsanayaan qabaa’ilka dega dalkaan ayaa muddo sanado ah ka socday koonfurta Suudaan, tan iyo markii ay xurnimo ku sheeg qaadatay sannadkii 2011-ka.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Dagaal beeleedyada ka socda Koonfurta Suudaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.