Inqilaab Fashilmay Oo Ka Dhacay Wadanka Gambia Ee Dhaca Galbeedka Afrika.

Dowladda Gambia ayaa ku dhawaaqday in ay fashilisay isku day inqilaab melleteri oo ay sameeyeen Jeneraallo katirsan ciidanka melleteriga dalkaasi.

Inqilaab-kaan dhicisoobay ayaa dhacay fiidnimadii Talaadada xiligaas oo ciidamo badan ay isku gadaameen aqalka madaxtooyada Gambia ee bartamaha magaalada caasimadda ah ee Banjul, kuwaas oo fulin rabay isku daygaan fashalka ku dhaamaaday.

Xaaladda dalka ayaa hadda ah mid degan, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda dalkaan ugu yar qaaradda Afrika.

Sidoo kale warka soo baxay madaxdooyadda dowladda Gambia ayaa xaqiijisay in tiro askar ah oo ay ku jiraan saraakiil loo xiray Inqilaab fashilmay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.