Intixaarka Ama Isdilka Oo Kusoo Badanaya Sufuufta Ciidamada Maamulka Yuhuudda.(Warbixin)

Mid kamid ah asaaliibta foosha xun ee ay ku dhaqaaqaan ciidamada gaalada ah, kadib markii ay la kulmaan culeyso ama xaalado xagga nafsiga ah waa iney naftooda gooyaan, taas oo marar badan laga soo diiwaan galiyay sufuufta in badan oo kamid ah ciidamada ka jira caalamka, muddo 5 sano gudaheed ah ayaana lasoo diiwaan galiyay tiradii ugu badneyd ee ciidamada is dilay kana tirsan Maamulka Yuhuudda ee xoogga ku xeysta dhulka Filastiin.

Taqaraaiir iyo tirakoobyo uu sameeyay wargeys Cabri ah oo uu leeyahay Maamulka Yuhuudda ayaa daaha looga rogay, tirada ciidamada Maamulka Yuhuudda ee nafta is dhaafiyay sannadkaan sii dahmaanaya ee 2022-ka, inta ay ku guda jireen howlaha ciidanka, falalkaas oo inta badan ka dhacay xarumaha mellatariga ee Maamulka Yuhuudda.

Wageyska Yadiicood Axranoot ee uu leeyahay Maamulka Yuhuudda ayaa daabacay warbixin uu qoray Sarkaal Yuhuudi ah, taas oo sheegeysa in sannadkaan sii dhamaanaya uu ku idlaanayo akhbaar murugo ah oo ku aaddan, xaaladda nafsi ahaaneed ee heysata in badan oo kamid ah ciidanka Yuhuudda, kuwaas oo ugu dambeyn ku kalliftay iney ku dhaqaaqaan falalka nuucaan.

Tirakoobyada ku xusan warbixintaan ayaa muujinaya, in xaaladaha is dilka ah ee ka dhex dhaca ciidamada Yuhuudda ay sannadkaan sara ukaceen, marka loo bar bar dhigo sannadkii hore ee 2021-ka, iyadoona tirada ciidamada Yuhuudda ee is dilay naftoodana is dhaafiyay ay gaareyso 14 askari, taas oo sannadkii lasoo dhaafay aheyd 11 askari oo kaliya, waana tirakoobkii ugu sarreeyay muddo 5 sano gudaheed ah.

Kayaanka Suhyiiniga ah ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhacdooyinkaan isa soo taraya, isagoo tilmaamay inuu si dhab ah ula tacaamumi doono malafkaan, isuguna dayi doono inuu xal waare ka gaaro, inkastoo uu wargeyskaan ku andocoonayo in taliska mellatariga ee Yuhuudda uu ka shaqeeyo ka hortagga is-dilka, ay haddana ku adagtahay inuu si dhab ah sharraxaad uga bixoyo kororka heerarka is-dilka ama askarta naftooda goynaya.

Warbixintaan cusub ayaa sidoo kale lagu sheegay, in tirada ciidamada Yuhudda ee naftooda gooyay sannadkii 2005-ta ay aheyd 36 Askari oo katirsan Maamulka Yuhuudda, Sannadkii 2010-ka ayuuna tilmaamay iney tiradaasi hoos usoo dhacday, taas oo gaartay 28 askari, isagoo hoos udhac ballaaran sameeyay sannadkii 2013-ka kolkaas oo xaaladaha is dilka ah ee lasoo diiwaan galiyay ay ahaayeen 6 askari oo qura, balse si lama filaan ah ayuu sara ugu kacay sannadkii 2017-ka, xilligaas oo tirada ciidamada Yuhuudda ee nolosha isku diiday ay gaareysay 16 askari.

Inkastoo lagu kala duwan yahay asbaabaha rasmiga ah ee keenaya in ciidamada Maamulka Yuhuudda ay is dilaan, naftoodana is dhaafiyaan, ayaa haddana jihooyinka rasmiga ah ee Kayaanka Suhyuuniga ah ay tilmaamayaan, in arrinkaan uu yahay mid qatartiisa leh, waajibna ka dhigaya in tallaabooyin wax ku ool ah lala yimaado, wuxuuna intaa ku daray iney haatan wadaan baaritaanno ku aaddan xaaladahan iyo kuwa isku dayo ah oo ay askartu ku doonayaan iney nolosha isku dhaadfyaan, hey’adaha iyo masuuliyiinta u xilsaaran arrintaan ayuu waregeyskaan cibriga ah tibaaxay iney kulamo iyo niqaash badan kala yeesheen mowduucaan, balse aysan u suura galin iney fasiraad dhab ah ka helaan waxa keenay in falalkaan ay kordhaan sannadkaan sii dhamanaaya ee 2022-ka.

Marka laga hadlo qaababka iyo wasiilooyinka ay isku dilaan ciidamada Mamaulka Yuhuudda, waxay warbixinnada ka imaanaya halkaasi tilmaamayaan, in asaaliib iyo ahabab haka duwan ay nolosha isku dhaafinayaan ciidamada Kayaanka Suhyuuniga ah ee xoogga ku heysta dhulalka Muslimiinta ah ee reer Filastiin.

Qaarkood waxay adeegsanayaan usluubka daldaallada iyo ceegada, halka qaarkoodna ay isku tuuraan tareenka hoostiisa, iyadoo sidoo kale ay jiraan askar iska soo tuurtay fooqyada dhaadheer, halka kuwa kalana ay isku dileen hubka Maamulka ee ay gacanta ku hayeen.

Xilli ay soo baxayaan raqamyadaan argagaxa ku ah Maamulka Yuhuudda, xaqiijinaya is dilka qaar kamid ah ciidamadiisa, ayay ijhooyin kala duwan oo baaritaanno sameeyay tilmamaayaan, in caamil nafsi ah uu yahay kan ugu badan ee askartaan ku xiirayaa iney ku dhaqaaqaan camaliyaadka Intixaarka ah ama ay nolosha is dhaafiyaan.

Diraasad soo baxday oo isku dayday iney isdul taagto sababaha rasmiga ah ee keenaya iney nafta is dhaafiyaan ciidamada ayaa tilmaamtay, in badqabka caafimaad ee xagga caqliga ee ciidamada ammaanka iyo saraakiishuuba ay ku xiran tahay cadaadisyada kaga imaanaya shaqada ay hayaan.

Yadiicood Axranoot ayaa tibaaxaya in badi xaadalaha Intixaarka ee laga soo tabiyay sufuufta ciidamada ay ku kaceen ragga askarta ah, walow ay jiraan tiro aan badneyn oo kamid ah dumarka katirsan ciidanka Yuhuudda ee ku kacay falalkaan is dal dalaadda ah ee qalqalka ku reebay Yuhuudda.

Badi ciidanka naftooda gooya ayuu Wargeysku sheegayaa ineysan ka tagin farriimo muujinaya sababta ay naftooda u gooyeen, islamarkaana ay ula qumanaatay iney ku kacaan falalkaan, balse baaritaanno heer caali ah oo la sameeyay ayuu sheegay in la ogaaday, iney waajib tahay in maamulka iyo dowaldaha kale ee ka jira caalamkaba ay la yimaadaan tallaabooyin lagu ilaalinayo ququusiyaadka ciidanka, si looga gaashaanto iney kordhaan falalka nuucaan ah.

Mid ka mid ah kiiska xusidda mudan ee qabsaday inta badan canwaawiinta warbaahinta Yuhuudda iyo kuwa caalamiga ahba ayaa ahaa, kan gaarka ah ee askariga lagu magacaabo Nev Lofton, kaasoo naftiisa u dilay cadaadis uga yimid xubnaha millatariga awgiis, si uu uga markhaati furo dembiyo la xiriira daroogada oo ay galeen qaar kamid ah saaxiibbadiis.

Warixinta wargeyska ayaa sidoo kale ka hadashay fashilka ku yimid qorshaha ciidanka ee ku aaddan in meesha laga saaro, ama laga hortago koroka xaaladaha is dilka ah ee ka dhex jira gudaha ciidanka, qorshahaas oo ay ka mid yihiin: yaraynta helitaanka hubka, ballaarinta agabyada waxbarashada iyo duruusta ay qaadanayaan ciidanka oo ay ku jiraan wax ka bedelka awaamiirta iyo habraacyada, iyo badalidda aragtida ku aaddan heerka uu taliyaha ka joogo dhacdada markaas taagan, lana horumariyo agabyada Tababarka ee hogaamiyayaasha ciidanka.

Inta badan ciidamada dowladaha reer galbeedka ee duullaanka ku qaaday wadamada caalamka islaamka, ayaa sidaan oo kale looga soo diiwaan galiyaa xaaldaha Intixaarka ama is dilka ee ay ku dhaqaaqayaan ciidamadooda, waxaana dowladahaasi kaalmaha hore kaga jira Mareykanka iyo Faransiiska, Askarta ugu badan ee Americanka ah lagana soo diiwaan galiyay dhacdooyinkaan ayaana ahaa kuwii ku duulay wadamada caalamka islaamka oo ay kamid yihiin Ciraaq iyo Afganistan, kadib markii ay kusoo waasheen dagaallada.

Dad badan oo Muslimiin ah waxa ay aaminsan yihiin, in dhibaatadaan heysata ciidamada Maamulka Yuhuudda ay ugu wacan tahay, tallaabooyinka camqinta iyo bur burinta ah ee ay askartooda ka geysanayaan gudaha dhulalka Muslimiinta ee reer Filastiin, iyo weerarada aargudashada ah ee ay Filastiiniyiintu u geysanayaan askarta Kayaanka Suhyuuniga ah, kuwaas oo isugu jira Toogashooyinka, Midiyenta, iyo kuwa gaari jiirsiinta ah oo qal qal badan ku beeray ciidamada gumeysiga.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Intixaarka ama isdilka ciimada Yuhuudda oo sannadkaan kordhay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.