SAWIR: Jidgal Khasaare Kala Duwan Sababay oo Ka Dhacay Duleedka Aadan Yabaal.

Ciidamo ka tirsan milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee wilaayada Sh/dhexe ayaa jidka u galay askar ka tirsan kuwa DF oo ka baxay Aadan Yabaal.

Weerar dhabbagal ah oo geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa saaka ka dhacay duleedka degmada Aadan Yabaal ee wilaayada Sh/dhexe.

Ciidamo ka tirsan milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee wilaayada Sh/dhexe ayaa jidka u galay askar ka tirsan kuwa DF oo ka baxay Aadan Yabaal kuwaasoo ay sida xogta lagu helayo ay dhaqdhaqaaqooda lasii socdeen.

Wararka kasoo baxaya kamiinkan ayaa xaqiijinaya dhimashada 2 ka tirsan ciidamada DF iyo dhaawaca 3 kale. Mid kamid ah xubnaha lagu dilay weerarkan ayaa ahaa hogaamiyaha malleyshiyaad la socda ciidamada DF, waxaana lagu magacaabi jiray Ibraahim Cali Jimcaale.

SAWIRKA IBRAAHIM CALI JIMCAALE HOOS KA EEG

Ibraahim oo sawirkiisa lagu baahiyay baraha Internetka isagoo dhar milatari wata ayaa u muuqda nin oday ah oo da’da kontonka sano sii dhaafaya, waxaana dadka aqoonta u leh ay sheegayaan inuu kamid yahay qabqablayaasha qandaraaska ka qaatay Xassan Sheekh.

Cali Guudlaawe oo shalay hadal u jeediyay ciidankii dhawaan diyaaradaha Mareykanku galbiska ku geeyeen Aadan Yabaal ayaa aad uga calaacalay khasaaraha iyo dhiigbaxa ku socda.

Dhabbagallada ayaa todobaadyadan kusoo badanayay Sh/dhexe iyadoo qaar kamid ah weeraradaas lagu dilay saraakiil sarsare oo qaarkood ka tirsanaa ciidanka Bankaraf laguna soo tababaray dalka Mareykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.