Jihaadiyiinta oo Weerar Ka Fuliyay Dhulka Soomaalida Ee Ay Kenya Heysato.

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtay mas'uuliyadda weerarkan.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay weerar ka geysteen dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya mudada dheer gumeysiga ku heysato, halkaasoo ay ku beegsadeen ciidamo kamid ah kuwa xukuumadda Nairobi.

Sida aan xogta ku heleyno weerarkan ayaa dhacay maalin ka hor kadib markii dagaalyahano hubeysan oo islaamiyiin ah ay dhabbaha u galeen gaari Kooyal ah oo ay saarnaayeen ciidamo kamid ah kuwa loo yaqaanno Home Guard iyo Injineerro u shaqeynayay xukuumadda Nairobi.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan lagu dilay 2 Askari oo kamid ahaa ciidanka iyadoo ay ku dhaawacmeen 8 kale. Dhaawacyada qaarkood xaaladdoodu waa ay liidataa sida ay baahiyeen qaar kamid ah warfidiyeenada.

Weerar kale ayaa shalay ka dhacay wadada Jaayga ah ee xiriirisa xeryaha qaxootiga iyo magaalada Gaarisa, weerarka ayaa waxaa lagu beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo halkaasi marayay. Wali ma aanaan helin faahfaahinta khasaaraha weerarka gaariga Cabdibilaha.

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana suura gal ah in dhacdooyinkan ay kasoo kordhaan faahfaahinno dheeri ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.