Jubbaland oo Xamse Ka Dalbatay Inuu Soo Faragaliyo Xaaladda Ka Taagan Gedo. (Warbixin)

Maxamuud Sayid Aadan oo ay wajigiisa ka muuqato murugo ayaa waxaa uu sheegay in faragalin lagu hayo maamulka Jubbaland

Farriin maqal iyo muuqaal ah oo uu kusimaha madaxweynaha jubbaland kasoo diray magaalada Kismaayo lana soo dhigay baraha Internetka ayaa waxa uu si gaar ah ugula hadlay Ra’iisulwasaaraha DF Xamsa Cabdi Barre.

Maxamuud Sayid Aadan oo ay wajigiisa ka muuqato murugo ayaa waxaa uu sheegay in faragalin lagu hayo maamulka Jubbaland xilli sida uu tilmaamay ay horey ula daalaa dhacayeen faragalin xooggan oo uga imanaysay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Wuxuu eedeyn u jeediyay rag uu sheegay in ay gobolka Gedo ka wadaan khalalaase inkastoo aanu magacyadooda carrabka ku dhufan, waxa uu ka dalbaday ra’iisulwasaaraha inuu arrimahaasi wax ka qabto.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray ciidamada kala duwan ee ku sugan qeybaha ay gobolka Gedo ka joogaan, wuxuu ugu baaqay ineysan la kala safan siyaasiyiin uu xusay iney yihiin danley maslaxadooda gaarka ah ka shaqeeneysa.

Maxamuud ayaa u muuqanaya nin ku beer laxawsanaya Ra’iisulwasaare Xamsa oo ay muddo badan kasoo wada tirsanaayeen maamulka fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo.

Intii uu hadlayay marnaba sooma hadal qaadin magaca Xassan Sheekh maadaama uu madmadow ka dhex jiro isaga iyo Axmad Madoobe, sidoo kalana ay Xassan Sheekh iyo Mahad Salaad ku lug leeyihiin waxa ay ka cabanayso madaxtooyada Jubbaland.

Labada dhinac ee haatan ku kala sugan Kismaayo iyo Garbahaarey ayaa u muuqda kuwa kala matalaya dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo ku loolamaya labada gobol. Kenya waxay isku aragtaa in ay xaq u leedahay in looga dambeeyo arrimaha Jubbaland, halka Itoobiya ay aaminsan tahay in gobolka Gedo iyada loo soo maro mar haddii degmooyinka intooda badan ay ciidamadeeda heystaan.

Isku soo wada duuboo hadalka Maxamuud Sayid Aadan ayaa kusoo aadaya iyadoo uu maalmo ka hor Axmad Madoobe uu u hayaamay safar dibadda ah kadib markii ay xanuuno soo wajaheen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.