Khasaare Baaxadleh Oo Ka Dhashay Baraf Ku Dhuftay Dalka Japan. (Sawirro)
Ugu yaraan 17 ruux ayaa ku dhintay ku dhawaad 100 kale waa ay ku dhaawacmeen baraf xooggan oo ku dhuftay dhul ballaaran oo katirsan dalka Japan sida ay xaqiijiyiin masuuliyinta dowladda dalkaasi.
Baraaf xooggan oo tan iyo todobaadkii hore ka da’ay degaanno badan oo dhaca waqooyiga dalkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay 93 qof kuwaas oo ay ku dumeen guryihii ay deganaayeen.
Wakaaladda dabdamiska iyo musiibooyinka ee xukuumadda Tokyo ayaa intaasi ku dartay in boqollaal ruux oo kale ay wajahayaan koronto la’aan xili halkaas uu ka jiro qabow aad u daran waxaana istaagay isku socodka gaadiidka kadib markii uu barafku xiray wadooyin muhiim ah.