Khasaare Ka Dhashay Toogasho Lala Eegay Dad Kiristanka Ah Oo Ka Dhacday UK.
Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa ku waramaya in weerar toogasho ah uu ka dhacay Hoteel ku yaalla magaalo hoostagta magaalada Liverpool ee waqooyi-galbeed ee dalkaasi.
Sida la sheegay weerarka ayaa ka dhacay hotelka Light House ee magaalada Wallasey fiidnimadii xalay kadib markii nin hubeysan uu gudaha ugalay Hotelka oo ay ka socotay xaflad loogu dabaadegayo ciida gaalada ee Christmas-ka, asiga oo halkaas ka bilaabay toogasho uu la beegsaday dadkii Kirishtanka ahaa ee goobta ku sugnaa.
War qoraal ah oo ay soo saareen Booliska ayaa lagu sheegay in ruux dumar ah ay u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray weerarka, Sidoo kalena 3 nin oo qaba dhaawacyo rasaas ah la dhigay Isbitaalka, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacay goobta.
Booliska UK ayaa xaqiijiyay in ruuxii geystay weerarka uu isaga baxay goobta ka hor inta ciidamada ammanka aysan soo gaaray halkaasi waxayna sheegeen in ay bilaabeen baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen.
Wadamada Reer-galbeed ayaa maalmahan oo kale waxaa ka dhaca weeraro toogashooyin ah oo geysata khasaarooyin kala duwan, kuwaas oo lala beegsado goobaha ay ka dhacayaan dabaaldegyada ciidaha Christmas-ka oo xiligaan oo kale ay qabsadaan dadyowga heysta diimaha munxarifka ah ee Kiristanka.