Ku Dhawaad 10 Askari Oo Kenya Looga Dilay Weerar Ka Dhacay Gaarisa Ee Dhulka NFD.

Gaari ciidamada Kenya leeyihiin oo ku gubanaya gudaha dhulka Kenya
Xogo dheeraad ah laga helayaa weerar kamiin ah oo maalin ka hor ciidamo katirsan kuwa Kenya lagula beegsaday inta u dhaxeysa magaalooyinka Weel-Mareer Iyo Yunbis oo kawada tirsan Gaarisa.

Weerarkaas ayaa ciidamada Kenya looga dilay 9 askari, halka looga dhaawacay 7 kale, gaari kamid ah kolonyada ayaa lagu gubay weerarka, halka mid kalena ay waxyeello xooggan soo gaartay.

Waxaa intaa dheer oo ay ciidamada Kenya nolol iyo geeri toona ku la’yihiin 2 kamid ah askartooda oo qeyb ka ahaa ciidanka marti galiyay weerarka dhabba-galka ah ee ay kala kulmeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

                                                                                       

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.