Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Ee Jowhar oo Qarax Lagu Dilay.

Waxaa la xaqiijiyay iney qaraxa ku dhinteen maareeyaha oo lagu magacaabi jiray...

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa qarax maanta ka dhacay magaalada Jowhar kaasoo lala beegsaday gaari ay saarnaayeen mas’uuliyiin kala duwan iyo ilaaladooda.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa haleelay gaari uu saarnaa mas’uuliyiin uu kamid yahay maareeyaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

Waxaa la xaqiijiyay iney qaraxa ku dhinteen maareeyaha oo lagu magacaabi jiray Mahad Muxiyadiin Calasow iyo 1 askari oo ilaaladiisa kamid ahaa, iyadoo ay ku dhaawacmeen saraakiil iyo askar kale.

Saraakiisha dhaawacantay waxaa kamid ah taliyaha Booliska garoonka magaalada Jowhar oo lagu magacaabo Muuse Yuusuf Dhuxulow iyo 2 askari. Waxaa laga deyrinayaa xaaladda Dhuxulow.

Mas’uuliyadda qaraxan ayaa waxaa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana ay dhacdadan imanaysaa laba saacadood kadib markii duleedka degmada Mahadaay qarax lagula beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa DF laguna dilay 3 askari sidoo kalana lagu dhaawacay 2 kale.

Shalay ayay ahayd markii laba qarax oo DF lagula beegsaday duleedka degmada Aadan Yabaal midkood looga gubay gaari Cabdibile ah iyadoo ciidankii saarnaana ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.