Madaxtooyada oo Isku Dayeysa Iney Tifaftirto Wararka Idaacadaha Muqdisho Ka Baxaya.

Madaxtooyada ayaa warbaahinta maxalliga u dirtay dalab ah in ay soo gudbiyaan wararka ay sii deynayaan oo qoraal ah.

Iyadoo DF uu saaran yahay culeys badan oo dhanka dagaalka Al-Shabaab ah iyo mucaaradada uga imanaya siyaasiyiinta iyo xildhibaanada qaar ayaa waxay Madaxtooyada Muqdisho qaadeysaa tallaabo ay ku faafreebeyso wararka ka baxa warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho.

Madaxtooyada ayaa warbaahinta maxalliga u dirtay dalab ah in ay soo gudbiyaan wararka ay sii deynayaan oo qoraal ah ka hor inta aysan hawada galin, waxaana uu qorshahan billaabanayaa maalinka Sabtida ah.

Ururka SJS ee u dooda xuquuqda saxaafadda madaxa bannaan ayaa laga soo xigtay in qaar kamid ah madaxda warbaahintu ay iska diideen amarkan una arkeen mid ka hor imanaya xorriyadda hadalka.

Ururuku wuxuu sheegay in 17-kii bishan oo ku beegneyd Sabtidii lasoo dhaafay ay rag ka tirsan warfaafinta madaxtooyada la xariireen warbaahinta kana dalbadeen in ay soo gudbiyaan wararka oo qoran kahor inta aan lasii deyn.

DF ayaan illaa iyo hadda ka hadal arrintan, xiriiro lala sameeyay Wasaaradda Warfaafinta iyo Madaxtooyadana waa ay ka jawaabi waayeen arrintan iyo waxa ay kaga jeedaan. Warbaahinta Muqdisho oo markii horaba si indho la’aan ah u buunbuunineysay ciidamada shisheeye ee kusoo duulay wadanka iyo DF ayaa haatan wajahaya caburin iyo culeys badan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.