Madaxweynaha Cusub ee Dalka Barazil Oo Ka Bad Baaday Isku Day Dil, & Howlgallo Ka Socda Caasimadda Dalkaas.
Qal-qal xooggan ayaa ka dhashay ka gadaal markii boorso lagu soo dhex qariyay bambaano laga dhex helay hotel uu deggan yahay madaxweynaha la doortay ee dalkaas, kaas oo lagu wado in la caleema saaro 1-da bisha Janaury ee sanadka 2023.
Boliska caasimadda Barazil waxay sheegeen, iney wadaan baaritaanno ku aaddan qaabka boorasadaan loosoo dhex galiyay hotelka uu degan yahay Madaxweynaha aan wali la caleema saarin ee dalkaas.
Casbi xooggan ayaa soo wajahday Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee degan hotelka, waxaana durbadiiba loo yeeray qolooyinka miino baarista, si ay uxaqiijiyaan ammaanka hotelka, ayna baaritaanno ugu sameeyaan haddii ay jiraan waxyaabo kale oo qarxa oo hotelka loosoo dusiyay.
Boliska xukuumadda Barazil ayaa 24-kii bishaan sheegay inuu fashliyay weerar qarax loo adeegsan rabay, ayna xireen laba ruux oo looga shikansan yahay arrinkaas, kuwaas oo kamid ah qolyo mucaaradsan doorashada ka dhacday dalka.
Wasiirka cusub ee wasaaradda waxa loogu yeero cadaalada ee Barazil ayaa tilmaamay, in xiisadda siyaasadeed ee ka taagan caasimadda ay kooxaha mucaaradka ku xiirday iney qaadaan tallaabooyin xagga ammaanka ah, ayna fuliyaan weeraro beegsada madaxda sar sare ee dowladda.
Dhacdadaan kadib waxay dowladdu qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda, iyadoona ciidamo bolis ah lasoo tubay wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada, kuwaas oo baaritaanno ka wada goobaha looga shikisan yahay in laga soo abaabuli karo weeraro ka dhan ah xubnaha kala duwan ee xukuumadda.