Mareykanka oo Sheegay Inuu Turkigu Ka Dambeeyay Duqeyntii Lagu Burburiyay Iskuulkii Caligaduud.
Warbixinta ayaa sheegtay in ciidanka DF ay dagaalkii Caligaduud qaadeen iyagoo aan la tashan shisheeyaha.
Wargeyska Washington Post ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa warbixin uu qoray kaga hadlay dagaalada ay ciidamada huwanta ah ku qaadeen qaar kamid ah degaanada Wilaayaatka Islaamiga siiba Sh/dhexe.
Isagoo soo xiganaya ilo kala duwan oo ay ku jiraan dad ka tirsan DF ayaa dhaliilay qaabka uu dagaalku u socda isagoo tilmaamay fashil iyo halis ay dhower jeer ku dhaceen ciidamada DF.
Wuxuu ka gaabsaday kaalinta dowladda Mareykanka oo ah iney galbiyaan ciidamada DF una dhiibaan dhagaxa Waraabaha. Laakin wuxuu warsiduhu tilmamay in uu Turkigu ka dambeeyay qabsashadii degaanka Caligaduud halkaasii uu 3 duqeyn ah ka geystay.
Warbixinta ayaa sheegtay in ciidanka DF ay dagaalkii Caligaduud qaadeen iyagoo aan la tashan shisheeyaha lana soo jabiyay islamarkaana laga dilay 6 askari, balse mar kale ay diyaaradaha Turkiga soo galbiyeen 3 duqeynna ay ku garaaceen degaanka.
Duqeymaha ayaa ku dhacay iskuul weyn oo degmada ku yaallay, sidoo kale waxaa burburay agabkii waxbarashada inkastoo nasiib wanaag aysan markaasi goobta joogin wax arday ah maadaama xilligu habeen ahaa.
Waa markii ugu horreysay oo uu Mareykanku iska fogeeyo duqeyntaas soona bandhigo in Turkidu ka dambeeyeen. Waxay warbixintu ciidamada DF ku eedeysay iney si arxan darro ah ula dhaqmeen dad shacab ah oo ay ku qabteen aagga Caligaduud, arrintaas oo ay kamid dhigtay khaladaadka ay gashay dowladda Xassan Sheekh inta uu dagaalku socdo.
Laakin waxay iska indhatireen dhacdooyin badan oo dad rayid ah lagu dilay, isbaarooyinkii oo soo batay, dagaalada qabaa’ilka ee ay gobolka ka hurisay DF iyo kufsiga laba haween ah oo ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn degmada Cadalle todobaadkan billowgiisii.
Sidoo kale waxaa warbixintan lagu sheegay in degaano ay qabsadeen ciidamada DF iyo malleyshiyaadka la socda ay mar kale dib u hanteen milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana ay ka xustay degmada Wabxo iyo degaano dhowr ah oo dhacay wilaayada Hiiraan.
Waxaa aad isku soo taraya shakiga laga qabo in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dib ula wareegto degaanada ay tageen shisheeyaha iyo DF, waana midda keentay walaaca faraha badan ee ay muujinayaan madaxda Villa Soomaaliya.
Madaxda DF ayaa lagu qaadaa diyaarado duug ah oo muddo badan lagu soo isticmaalayay dalal kala duwan, waxaana la siiyaa qoryo aan tayo badan lahayn, tiiyoo ay sii dheer tahay shidaalka faraha badan ee uga baxaya gaadiidka iyo dhaawacyada faraha badan ee isbitaalada u dhooban.
Xassan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Mareykanka ayaa ku baryootamaya in lala sugo gomadaha ciidamadiisa iyo in dhaqaale la siiyo, halka kulan dhawaan Muqdisho ka dhacay ay xukuumadda Xamsa hay’adaha shisheeye uga dalbatay raashin ay ku sheegtay mid lagu xasilinayo degaanada dagaaladu ka dhaceen si loogu soo jiito dadka careysan ee nabadoodii iyo horumarkoodii lagu duulay, kuwaasoo halkii lagu dhaqi jiray shareecada islaamka la doonayo in lagu maamulo dastuurka iyo dimuqraadiyadda.